Wararka naga soo gaaraya deegaankaka lagu magacaabo Butaale oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka ayaa sheegaya in Al-shabaab iyo dad shacab ah ay ku dagaalameen deegaanka, waxaana dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.
Inta la ogyahay afar qof shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo dadka rayidka ah,waxaana deegaanka lagu dagaalamay uu 20km dhinaca Koofureed uu ka xigaa degmada Maxaas.
Xaaladda deegaanka ayaa lagu waramayaa in wali ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa dadka xoolaha dhaqatada ah ee deegaanka iyo Al-shabaab