Boqorka dalka Holland oo shaqo aan shacabkiisu ogeyn qaban jiray

Date:

Boqorka dalka Holland, Willem-Alexander ayaa la sheegay inuu muddo 21 sannadood si qarsoodi ah ugula shaqeyn jiray shirkadda Diyaaradaha KLM duuliye diyaaradeed, aanu shacabka dalkaasi ogeyn.

Boqorka Holland ayaa qisadan markii ugu horeysay doraad ku sheegay wareysi telefishanka Holland la yeeshay inuu shaqada duuliyenimada oo hiwaayadiisa ahayd ku caawin jiray shirkadda diyaaradaha, mushahar la’aan.

Muddo 21 sannadood ah ayuu Mr. Alexander bishiiba laba jeer duuliye ka noqon jiray diyaaradaha isaga oo u kala goosha dalka Holland dhexdiisa ee shirkadda KLM.

Inkastoo la sheegay in rakaabka diyaaradahu badi aqoonsan jireen codkiisa, xilliyada uu sheegayo isbeddelka cimilada iyo xilliga diyaaradu fadhiisanayso madaarka, balse marnaba lama shaacin shaqadiisa duuliyenimo.

Diyaaradihii boqorka Holland duuliyaha labaad ka noqon jiray oo nooca   Fokker 70 ayaa xilligan la sheegay in shirkadda diyaaradaha KLM joojisay isticmaalkooda, taasoo keenaysa inuu barto noocyada waaweyn ee   Boeing 737s.

Balse, boqorkan da’diisu tahay 50 jirka, oo sheegay inay hiwaayaddiisa ahayd shaqada duuliyenimadu, uu ku raaxaysan jiray xilligan uu ku jiro, balse wakhtigan aanu qorshaha ugu jirin inuu barto sida loo kaxeeyo diyaaradaha waaweyn ee Boeing.

“Inkastoo codkayga rakaabku maqli jiray, haddana cidna ma ogeyn shaqadayda duuliye.” Ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...