Antonio Conte ayaa qorsheynaya inuu guri kaga iibsado dalka talyaaniga lacagaha gunooyinka ah oo uu ka helo ku guuleysiga horyaalka Premier League.
Conte iyo ciyaartoydiisa waxey gacanta ku dhigi doonaan maanta koobka Premier League marka ay soo dhamaato kulanka ay la ciyaari doonaan Sunderland xilli ay ku raad joogaan guushii 30-aad ee xilli ciyaareedkaan.
Macalinkii hore qaranka Azzurri ayaa u muuqda mid qariyay cadadka lacagta lagu abaalmariyay balse wuxuu ka dhawaajiyay qorsha uu u dajiyay.
“Miyey ii tahay gunno wanaagsan? waxey ku xiran tahay habka aad dooneyso inaad u aragto” ayuu yiri Antonio Conte. “Waxey ila tahay inaan u adeegsan doono inaan guri uga iibsado talyaaniga”
“Lecce waxaa ii jooga waalidiin, waan hubaa waxaan rajeynayaa inaan waqti yar oo fasaxeyga ka mid ah lasoo qaato sidoo kalana aan joogo Turin”
“Waxey ii tahay fursad sababtoo ah, xagaagii hore ma aanan helin fasax madama aan sadex maalmood kadib Euro bilownay shaqada Chelsea”
“Waxey ii noqon doontaa xagaagan fasax dagan. waxaan waqti la qaadan doonaaa waalidkeyga iyo meeshii aan ku dhashay”
Dhanka kale hadalka kasoo yeeray Antonio Conte ayey saxaafadda qaar u fasirteen inuu aad u daneynayo inuu qabto talada Inter Milan, balse Blues ayaa rajeyneysa inuu qandaraaska u kordhiyo isla markaana kusii heyso galbeedka London sanado badan.