Qarax xoogan oo sababay dhaawaca ilaa toddobo qof oo ay ku jiraan masuuliyiin ayaa ka dhacay maanta magaalada Qansaxdheere ee Gobolka Bay ee maamulka Koofur Galbeed ee Somaliya.
Guddoomiyaha Degmada Qansaxdheere Isaaq Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in bartilimaameedka qaruxu uu ahaa qaar ka mid ah masuuliyiinta degmadda iyo ilaaladooda oo xiliggaasi ku sugnaa maqaayad lagu cunteeyo oo ku taala bartamaha magaaladda.
“baqanimadii maanta ayuu dhacay qaraxu, khasaare badan oo dhaawac ah ayuu gaystay, laakiin ilaa hadda qof u geeriyooday qaraxaasi ma jiro, waxaa ku dhaawacmay 7 qof oo labo ka mid ah ay yihiin guddoomiye k/xigeenadda degmadda” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Wuxuu sheegay inuu u malaynayo in qaraxa lagu diyaariyay goobta xili habeenimo ah, subaxnimadii lagu qarxiyay masuuliyiinta iyo ilaaladooda, waxaa uu sheegay inay wadaan howlgalo lagu baadigoobayo kuwii ka dambeeyay qaraxa.
Gabagabadii, Magaaladda Qansaxdheere oo ka tirsan gobolka Bay waxay 90 km u jirtaa Magaaladda Baydhabo, waxaana ciidamada dowladu iyo kuwa ethiopia ay kala wareegeen kooxda Al-shabaab sanadkii 2012kii, hase yeeshee wuxuu sheegay guddoomiyuhu ay go’doosan tahay oo kooxda Al-shabaab ay daafaha magaaladda ku sugan yihiin.