Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Konfureed ayaa sheegay in barnaamijka niyuukliyarka ee Kuuriyada Waqooyi uu samaynayo horumar ka badan intii la filayey.
Han Min-koo waxa uu sidoo kale u sheegay barlamaanka dalkaasi in tijaabadii madaafiicda ee Waqooyiga samaysay axaddii hore lagu ogaaday habka madaafiicda lagu la socdo ee muranka dhaliyey ee Maraykanka ka dhisay Koonfurta Kuuriyana.
Waa markii ugu horraysay oo qalabkan oo la yiraahdo THAAD laga isticmaalo Kuuriyada Konfureed.
Shiinaha ayaa cabasho ka muujiyey qalabkaasi waxa ayna sheegtay in Maraykanka uu u adeegsan karo in uu ku basaaso Shiinaha.
Magaalada New York ayaa gollaha amaanka ee Qaramada Midoobe waxa uu ku yeeshay kulan ay albaabada u xirnayeen oo looga arrinsanayay sidii cunaqabateynta loogu sii xoojin lahaa Kuuriyada Waqooyi