Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Somaliland ee madaxwaynaha iyo Baarlamaanka ,waxaanu sheegay inay dib u dhacyadan soo noqnoqday si tartiib-tartiib ah u burburinayaan sumcadii iyo aaminadii Somaliland ee Dimuqraadiyadda.
Antonio Guterres waxa uu sidan ku sheegay warbixin ku saabsan Somaliland iyo Somliya oo uu 9-kii May u gudbiyey golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo si rasmi ah loo baahiyey,waxaana dawlada Somaliland ugu baaqay inay dejiso jadwal cad oo wada tashi ku yimid oo ku saabasn qabsoomida Doorashada madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey isaga oo ka hadlaya dib u dhaca doorashooyinka Somaliland wuxuu warbixintiisa ku yidhi
“Waxaan aad uga walaacsanahay dib u dhaca soo noqnoqday ee ku yimid doorashada madaxwaynaha iyo Baarlamaanka Somaliland.Arrintaasi oo si tartiib-tartiib ah u burburinaysa ballantii iyo aaminaadii marka hore soo xoogaysanaysay ee lagu qabay geedi socodkeeda Dimuqraadiyadda Somaliland.Waxa aan maamulka Somaliland ugu baaqayaa inay dib u eegis ku sameeyaan wareega Doorashada oo ay u dajiyaan jadwal cad oo ku yimi wada tashi loo dhan yahay”.
Xoghaye Antonio Guterres wuxuu sheegay in golaha Guurtida Somaliland ay bishii March ee sanadkan ay muddo kordhin u sameeyeen madaxtooyada iyo Baarlamaanka iyo Guurtida lana go’aamiyey inay doorashada Madaxtooyadu qabsoonto 13 November ee sanadkan,Doorashada Baarlamaankuna qabsoonto 28 April 2019 ta guurtiduna ay qabsoonto 28 April 2020
“Shacabka Somaliland iyo xisbiyada Mucaaradku si balaadhan ayay u canbaareeyeen dib u dhacyada ,iyaga oo ay deeq bixiyayaashuna caddeeyeen inaanay bixin doonin kharashaadka Doorashada”ayuu yidhi xoghaye Antonio.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey waxa kale uu dawlada Somaliland iyo Somaliya ugu baaqay inay bilaaban wada hadaladii hore loo bilaabay waxaana uu yidhi
“Waxaan aad ugu baaqayaa dawlada fadaraalka ah ee Somaliya iyo Maamulka Somaliland inay dib u bilaabaan wada hadaladii oo ay xal ka gaadhaan arrimaha taagan iyo in xidhiidh is faham uu dhex maro”.
Wuxuu xoghayaha Qaramada Midoobey warbixintiisa ku sheegay in ay Hargeysa iyo Berbera ka dhaceen mudaharaado lagaga soo horjeedo Saldhiga Milateri ee dawlada Somaliland magaalada Berbera ka siiyey dawlada Imaaraadka Carabta .
Tirada dadka arrintan loo xidhay waxa uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ku sheegay 14 ruux ,sidoo kalena waxa uu sheegay in la xidhay xubin ka tirsan hay’adda Xuquuqal Iinsaanka madaxabanaan ee Somaliland kadib markii uu shacabka Somaliland ka ururiyey saxeexyo ku saabsan Ciidamada Booliska.
Waxa kale oo uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey warbixintiisa ku soo hadal qaaday dareenka diidmada leh ee ay dawlada Somaliya iyo Baarlamaankeedu ka bixiyeen saldhiga Milateri ee Berbera laga siiyey dawlada Imaaraadka Carabta.