Somaliland: Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte Oo Ka Mid Ahaa Saraakiisha Sare Ee Xisbiga Mucaaridka Ah WADDANI Oo Gabi Ahaanba Iska Casilay Xisbigaasi,Sheegayna Inuu Ka Fiirsanayo Xisbiga Uu Siyaasadiisa Urarayo.

Date:

“Maanta Go’aankaygu Maaha Xisbi Ayaan Ka Baxay Oo Xisbi Kale Ayaan Galay,Waase Laga Yaabaa Inaan Xisbiyada Kale Ee Mucaaridka Ah Mid Ku Biiro”.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland,kana mid ahaa Saraakiisha sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa shaaca ka qaaday inuu gabi ahaanba iska Casilay oo uu ka baxay Xisbigii Mucaaridka ahaa ee WADDANI,Waxa uu sheegay inuu Xisbigaasi uga baxay arimo shaqsi ah oo u gaar ah balse waxa uu ka gaabsaday inuu Warbaahinta u faah faahiyo Halka uu siyaasadiisa u raray iyo Cida u gacan haadisay,isagoo Carabka ku dhuftay inuu dhawaan ku biirayo Xisbiyada Siyaasada ee kale ee dalka ka dhisan.
Xildhibaan Rayte Oo Shalay Warbaahinta kula Hadlay Huteel Guuleed ee Magaaladda Hargeysa ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada uu uga baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Waxana hadaladiisa ka mid ahaa sidan“Maanta waxaan go’aansaday inaan ka baxo Xisbigii WADDANI ee aan ka mid ahaan jiray,Sababta aan go’aan u qaatay waa mid shaqsi ah weeyi,Mana jiraan Waxa kale oo intaasi ka baxsani,Waxaan umadda Reer Somaliland, Saaxiibadaydii aanu xisbiga kuwada jirnay,Kuwii aanu maan-Wadaagta ahayn, Taageerayaashaydii, intaba,Waxaan ogaysiinayaa inaan maanta laga bilaabo ka baxay Xisbigii WADDANI,Sababo ii gaar ah awgeed,Waan ka xumahay Saaxiibadayda aanu Maanwadaagta ahayn inaan kaga baydho Hawshii aanu soo wada wadnay, Qof walibana Hawshiisa Marbuu Go’aamo gaadhaa,Maanta taasi ayay taagan tahay aniga, Waxaan jecelahay Ciddii ka Xumaataana inay iga raali noqoto,Cidii ku faraxsanina inay ku sii faraxdo”.
Xildhibaan Ibraahim Rayte oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyay“Xisbi walba way dhexyaaliin Aragtiyo kala duwan,Fikrado Iskhilaafsan,Dad kala maan ah,Araa kala duwan,Xisbi walba way dhexyaaliin,waa arin iska dabiici ah,laakiin Maanta anigu Waxaanu ku go’aan qaatay Xisbigaasi inaan ka baxo,Sababo aniga iigaar ah Awgeed,Qofka muwaadinka ahina Xaq ayuu u leeyahay inuu Xisbi galo oo uu ka baxo,islamarkaana uu Mid kale galo,Waxba kuman jabna inaan Muwaadin bulshadiisa u adeega noqdo,Hase yeeshee,Hadaan ka maarmi waayo Inaan Xisbi galo,Go’aankeeda,goorteeda iyo Meesheeda,Maanta Go’aankaygu maaha Xisbi ayaan ka baxay oo Xisbi kale ayaan galay,Waase laga yaabaa inaan Xisbiyada kale ee Mucaaridka ah Mid ku biiro”.
Hore ayay qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland uga sii faaloodeen ka bixista Xildhibaan Rayte ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,waxaanu shalay Xildhibaan Rayte Warbaahinta u sheegay inuu wada tashi badan oo uu galay iyo kulamo hoose oo uu la qaatay Gudoomiye Cirro uu aakhirkii go’aankan qaatay islamarkaana aanu jeclayn inuu wax badan oo sir ah la wadaago Warbaahinta balse uu keli ah sheegi karo inuu Xisbigaasi ka baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...