Warar xog ogaal ah oo Wargane helayso ayaa waxay sheegayaan in laba masuul oo ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo isla markaana xilal kala duwan ka haya xukuumadda uu maalmihii u danbeeyey ka taagnaa khilaaf xoogan oo u dhaxeeya labadan masuul.
Labadan masuul ayaa kala ah sida ay xoguhu noo sheegeen Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahin Aadan “Qabo” oo hore u ahaa badhasaabkii gobolka Togdheer iyo badhasaabka gobolka Togdheer ee hadda jooga Mudane Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax” kuwaas oo sida naloo sheegay isku haysta gaadhi nooca raaxada ah ee V8 isla markaana gobolka Togdheer la siiyey markii uu badhasaabka ka ahaa wasiir Qabo,balse markii wasiirka Qorshaynta Qaranka loo magacaabay uu la yimi Hargeysa oo uu wato taas oo uu aad uga cadhooday badhasaab Ramaax.
Waxaana khilaafka labadan masuul ee ka qarxay gaadhiga V8-ka ah garnaqoodu ka socdaa madaxtooyada Somaliland,waxaana Badhasaab Ramaax uu ku andacoonayaa in gaadhigan uu yahay gaadhigii loogu talo galay gobolka isla markaana aanay munaasib ahayn in wasiir Qabo Hargeysa usoo kaxaysto halka uu wasiir Qabo-na ku andacoonayo dhankiisa in gaadhigan si gaar ah loo siiyey oo xukuumaddu u siiyey,waxaana garnaqa khilaafka labadan Masuul uu ka socdaa madaxtooyada Somaliland sida ay noo sheegeen ilo wareedyo u dhuun daloola labadan masuul ee xilalka ka haya xukuumadda madaxwayne Siilaanyo.
Qiimaha gaadhigan V8-ka ah ee khilaafka labadan masuul ka qarxay ayaa ah inta u dhaxaysa $80,000 ilaa $90,000 (Siddeetan Kun Ilaa Sagaashan Kun Oo Dollar).
Gabagabadiina ilaa hadda lama garanayo halka uu saldhigan doono khilaafan ka qarxay gaadhiga V8-ka ah ee u dhaxeeya Wasiir Qabo iyo Badhasaab Ramaax.