Dadwaynaha reer Somaliland waxa laga codsanayaa inay soo caawiyaan qoyskaas masaakiinta ah
Qoyskani waxa ay deggan yihiin laba buul oo yaryar oo foorarsi aad ku gali karto. Muddo labaatan sanno iyo dheeraada ayay halkaa ku noolaayeen. Waa saddex carruura iyo hooyadood. Aabbahoodaa geeriyooday oo wax shaqo ah aan hayn ayaa maalinba waxa uu helo nolol maalmeedkooda ku dabbari jireen.
Marxuumka caruurta abaahood wax walaalo ah iyo ehal kale oo u dhaw ma uu lahayn oo ehelkiisu waa ay dhammaadeen. Isaga dhawr jeer oo dhaktar la geeyayna dad ay asxaabbyihiin iyo kuwo uu dabiibay baa ka bixiyay.
Dhawr jeer ayaa cauurta dugsiyada laga soo eryay markii ay bisha waayeen. Labadii sanno ee ugu danbeysay ayuu AHN aabbahood xanuunsanayay, ugu dambayna habeen hore ayuu geeriyooday. Saddexda carruura waa laba wiil iyo gabadh, inantii ayaa la sheegay inay naxdin iyo xanuun ay ka qaaday geerida aabaheed ay la ildarantahay, waxaana dad samafalayaal ahi geeyeen dhakhtar.
Cid kasta oo wax ku taraysa iyo cidkasta oo iyagu gacantooda ugu gaynaysa ba ha hala soo xidhiidhaan 063-4134665 Naciima Maxamed Xaaji baa kuu soo baxaysa.