Deg Deg: Xukuumada Farmaajo Oo Xabsiga Dhigtay 11 Askari + Sababta

Date:

Kaddib booqashdii dhawaan uu ku tagay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo degmada Afgooye, saraakiisha ciidamada dowladda ayaa qaaday tallaabooyin lagu soo afjarayo Isbaarooyinka sharci darrada ay ee yaala gobolka Shabeellaha hoose.

Gen C/llaahi Cali Caanood abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la qaaday isbaarooyinkii yaalay waddada dheer ee isku xirta degmada Afgooye, Bariire, No 50 iyo deegaano dhowr ah oo ku xeeran, islamarkaana la xiray askartii isbaaradu u taalay.

“Kaddib, amarkii uu bixiyey madaxweynaha DF ee ahaa in la qaado isbaarooyinka, waxaan xirnay 11 askari oo la qabtay iyagoo isbaaro u taalo, waxaa cadaynayaa askariga Isbaarada dhigta iyo sarkaalka xukuma in ay isku mid ay yihiin’’ ayuu yiri Gen. Caanood.

“Waxaa qaadeynaa howlgallo ballaaran oo lagu furayo wadooyinka, gaar ahaan kuwa yaala deegaanada isku xira Shabeellaha hoose iyo gobolka Bay, sidoo kale waxaa howlgal isna wadooyinka lagu furayo laga sameynayaa deegaanada Jubbooyinka.” Ayuu raaciyey.

Abaanduulaha ayaa sheegay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameed-sanayo maleyshiyaadka sharci darada ah ee dhiganaya Isbaarada, gaar ahaan kuwa yaalla meelaha ka fog magaalooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...