Somalia: Wararkii ugu danbeeyay dagaalka deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay

Date:

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay ayaa sheegaya in gacan ku heynta deegaankaas 30km u jira magaalada Baydhabo la wareegeen Al-shabaab.

Xoogagga Al-shabaab ayaa weerar culus subaxnimadii hore ee saakay ku qaaday fariisimo ciidamada maamulka Koonfur galbeed ku lahayeen deeganka Goofgaduud, waxaana halkaa ka dhashay khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo gurmad ah oo ka baxay Baydhabo qarax miino lagula eegtay inta aanay gaarin deegaanka, isla markaana uu jiro khasaare.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalka deegaanka Goofgaduud sida uu hadalka u dhigay ku dileen 17 askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka Koonfur galbeed.

Magaalada Baydhabo wariye ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in isbitaalka magaalada la dhigay meydadka iyo dhawacyada ciidamada maamulka Koonfur galbeed ee lagu weeraray saakay Goofgaduud.

Shacabka ku dhaqan deegaanka oo markii horeba wajahayay xaalad adag oo dhinaca nolasha ah ayaa isaga barakacay, iyaga oo ka cabsi qaba wayeelo ka soo gaarta dagaalka u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...