Madaxweynihi hore ee Dalka Mareykanka Barack Obama ayaa si shakhsi ah uga digay madaxweyne Trump inuu General Michael Flynn u magacaabo Lataliyaha Amniga Qaranka, 48-saacadood wax ka yar marki loo doortay xilka madaxweynaha.
Obama ayaa digniinta ka dhanka ah Flynn u gudbiyey madaxweyne Trump inti ay ku guda jireen kulan socday muddo 90 daqiiqa ah oo labada mas,uul ku dhexmaray Aqalka Cad 10-ki November ee sanadki hore.
Trump ayaa u magacaabay Michael Flynn lataliyahiisa ee amniga qaranka, balse xilka ka qaaday 24 maalmood oo kaliyah marki uu xilkaasi hayey.
Mr. Flynn ayaa lagu eedeeyey inuu xiriir la sameeyey safiirka Ruushka u fadhiya magaaladan Washington.