Wenger Oo Markii 2-aad Dhulka Jiiday Mourinho 15 Jeer

Date:

Kooxda Arsenal Guusha ay ka gaadhay Manchester United, ee soo af-jartay 25 jeer oo aanay shayaadiinta dharka cas leh, dhinacooda dhulka dhigin, ma ahayn oo kaliya mid ay Gunners ku hantiyeen rajjo iyo yididiilo hor leh oo ah kamid noqoshada afarta ugu sareeya horyaalka Ingiriiska, oo haddii ay ku dhamaystaan ay kamid noqon doonaan kooxaha xili ciyaareedka dambe u gudbaya horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League, balse waxay sidoo kale, soo gunaanaday rikoodhkii Wenger iyo Mourinho ee guulaha kulamadii badnaa ee ay is haleeleen.

Arsene Wenger ayaa la ildarnaa xanuunka guulaha tiro beelay ee macalinka faanka u saaxiibka ah kala soo gudboonaanayay mar kasta oo ay iska hor keenaan laba kooxood oo ay kala hogaaminayaan mudo dheer.

Labada tabobare ayaa soo ahaa cadaw mar kasta aan lahayn xidhiidh la odhan karo wuu ka soo raynayaa muddo sanado ah oo ay iska hor yimaadeen, 15 ciyaarood oo ay hore u soo yeesheena, Wenger waligii dhinaciisa dhulka ma dhigin Jose Mourinho koox uu wato, guushiisii ugu horeysayna waxay ahayd mid uu ku diray koobka Community Shield sanadii 2015 kii.

Guushan Axadii ay heleena, waxay soo af meertay, yasidii iyo aflagaadaddii joogtada ahayd ee Mourinho ku soo hayay Wenger, iyo waliba, Guushii 13 aad ee Arsenal ciyaar horyaalka ah ka badiso Shayaadiinta dharka cas oo ay 50 jeer is haleeleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...