Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maalintii shalay ahayd laga hor istaagay inuu booqdo isla markaana gargaar dawooyin ah gaadhsiiyo dadka ku dhibaataysan cusbitaalka guud ee magaalada Caynaba.
Ciidamada booliska ayaa sheegay inay qabaan amar, laguna amray inaanay waftigaas kaalmada wada sii dayn, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dhacdadaas foosha xun ka hadlay ayaana aad u cambaareeyey ficilkaas ay dawladda iyo maamulka gobolka Saraar ku kaceen waxaana uu sheegay inay muujinayso cadawnimo iyo talo dadka deegaanka lagu dhibaataynayo.
Xirsi Cali Xaaji Xasan, hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ugu horayn ka hadlay qaabkii ay wax u dhaceen, waxaana uu yidhi:
“waxa nagala kulantay dhakhtarka Caynaba in qoryo nalagu qabto waxa la yidhi dawladda ayaa tidhi yaanay soo gelin waa siday iyagu (askartu) sheegeen ee afkooda ka lahaayeen, waxaa muuqata dadkii oo xanuunsanaya oo cadilan ayaa dawadii aanu sidnay laga xayiray, waxaanu dadka reer Somaliland, dadka reer saraareed iyo dhamaan dadka samaha jecel u bandhigaynaa in sifo aan sax ahayn oo afduub ah dadkii jilicsanaa loogu diiday (dawooyinki) oo ay cunaqabatayn tahay, waxaan leeyahay cid kasta oo amarkaas fulisay waa amar qaldan oo aan sax ahayn in dadka caddilan loo diido, iyadoo markii hore laga cabanayay xorriyadda hadalka, iyadoo markii labaad xisbiyada sharafta leh madaxdoodii la xidhxidho waanu cambaaraynaynaa waxaanu leenahay nina dalka qori kuma qabsan kuma ogin anaga ayaa shalay madax ka ahayn, dawladdii iyo madaxwaynaha kumaanu ogayn sidaas, haddii aanu ahayn wax maanta la gaadhay, haddii aanu ahayn in dadka buka loo tashaday, haddii aanu ahayn wax Caynaba u khaas ah”
Geesta kale Xirsi ayaa soo jeediyey inaan dadka la cabudhin isla markaana ciddii wax taraysa loo baahana yahay lana soo dhaweynayo, “umadda yaan la cabudhinin ninkii wax ku tarayaw halkan kaalay, haddii aydaan umadda u iman oo aad itaal ka dhigataan yaanay cidi u iman, taas macnaheedu waxa weeye anigu u iman maayo cid kalena u iman maysee dadku ha bakhtiyaan” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Maaha markii ugu horaysay ee maamulka gobolka Saraar uu soo saaro amar magaalada Caynaba lagaga hor istaagayo Xirsi Xaaji Cali, hase yeeshee waxa sidan oo kale looga hor istaagay inuu ka qaybgalo gunaanadkii shirkii beesha Yoonis Cabdiraxman (Habar-jeclo) markaasoo ay wasaaradda arrimaha guduhu raaligalin ka bixisay.
Ugu dambayn Xirsi ayaa dawooyinkii iyo gargaarkii uu siday ku wareejiyey madax-dhaqameedka deegaanka iyo waxgaradka Caynaba, waxaana uu uga mahadnaqay dadka reer Caynaba wanaagga ay u muujiyeen.