Kulan xasaasi ah ayaa qasriga Madaxtooyada shalay ku dhexmaray Madaxwaynah Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo guddoomiyaha golaha wakiilada ahna murashaxa Madaxwaynah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Kulankan ayaa waxaa dhanka Madaxwaynaha ku wehelinayay wasiirka Madaxtooyada iyo Madaxwayne kuxigeenka, halka dhanka kalena uu Cabdiqaadir Jirde ku wehelinayay Guddoomiye Cirro.
Markii uu kulankaasi soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka WADDANI Cabdiraxmaan Cirro waxaana uu ka warbixyey kulankii ay la qaateen Madaxwaynaha Somaliland, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Xisbigu wuu ka shiray in Madaxwaynaha la arko, markaa anagoo ka wakiil ah xisbiga WADDANI, waxaa madaxwaynaha la kulmay maanta (shalay) aniga iyo Cabdiqaadir Jirde, farriintii aanu ka qaadnay xisbiga ayaanu madaxwaynaha kala hadalnay, markaan soo koobo nuxurka laba qodob ayaa ugu muhiimsanaa midi waxa uu ahaa dimuqraadiyadda iyo doorashada, markaa Madaxwaynaha waanu kala hadalnay in arrimaha doorashada si dhaw looga wadatashado, in garoon loo siman yahay uu noqdo garoonka lagu tartamayaa, inaynu ka taxadirno waxyaabaha sababi kara in doorashadu dib inooga dhacdo, wixii talooyin ahaa waanu u gudbinay madaxwaynaha, wixii dareen ahaa beesha caalamkna waanu u gudbinay”
Geesta kale Guddoomiye Cirro ayaa sheegay inuu Madaxwaynaha kala hadlay masuuliyiin ka tirsan xisbiga oo muddo dheer Hargeysa ku xidhan, isagoo ka codsaday in la ilaaliyo sumcadda masuuliyiinta xisbiyada , waxaana uu yidhi:
“qodobka labaad waxa uu ahaa cabashooyin is barkaday oo badnaa oo xisbigu tabanayay, habka loola dhaqmay masuuliyiin xidhan oo xisbiga ka tirsan, waxaanu kala hadalnay Madaxwaynaha in masuuliyiinta xisbiga la siiyo mudnaanta ay leeyihiin iyo xisbiga mucaaridka ah aanay dembi noqon inuu xukuumadda dhaleeceeyo, waxaan isleeyahay kulankaasi midho dhal buu aha waanan uga mahadnaqaynaa Madaxwaynaha laftigiisa fursaddaa aanu ku kulanay, waxaanu rajaynayaa in wixii aanu ka wadahadalnay ay fuli doonaan wixii cabasho ahaana wax laga qaban doono”.
Kulanka guddoomiye Cirro la yeeshay madaxwyanaha ayaa muujinaya inuu jiro tudhaale dhanka mucaaridnimada ah oo uu hogaanka xisbiga WADDANI ka midaysan yahay maadaama dalku uu ku jiro xaalad adag oo mucaaradadda adagi dukin karto.