Wasiirka Caafimaadka Oo Dufaano Siyaasadeed Ku Kiciyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Buhoodle Ku Sugan
Mudooyinkii U Danbyey Ayaa Waxaa Magaalada Buhoodle Ka Taagnayd Xiisad Siyaasadeed Oo Ka Dhaxaysay Somaliland Iyo Maamulka Putland
Wasiirka Wasaarada Caafimadka Somaliland Saleeban Ciise Xaglo Toosiye Ayaa Magaalada Buhoodle Kaga Awood Adkaaday Madaxwayne Ku Xigeenka Maamuulka Putland C/xakin Cumar Camay
Wasiir Xagla Toosiye Ayaa Cisbitaalka Wayn Ee Magaalada Buhoodle Hor Istaagay Madaxwayne Ku Xigeenka Maamulka Putland Oo Doonaayey In U Booqdo Dadka U Soo Riitay Xanuunka Shuban Biyoodka Ee Lagu Xanaanaynayo Cisbitaalka Wayn Ee Magaalada Buhoodle
Madaxwayne Ku Xigeenka Maamulka Putland Ayaa Markii Laga Hor Istaagay Cisbitaalka Magaalada Buhoodle Bilaabay Qorshe U Kaga Baxaayo Magaalada Buhoodle
Deeq Raashina Oo U Siday Cisbitaalka Magaalada Buhoodle Ayaa Waxaa U Ku Daadiyey Degaanka Dan Dan Oo Ka Tirsan Magaalada Buhoodle Ka Dib Markii Laga Hor Istaagay Cisbitaalka Buhoodle
Wasiirka Caafimadka Somaliland Saleeban Ciise Xaglo Toosiye Ayaa Ka Hadlay Madaxwayne Ku Xigeenka Maamulka Putland Ee Loo Diiday In U Galo Cisbitaalka Magaalada Buhoodle
“Madaxwayne Ku Xigeenka Maamulka Puland Gurmadka Loo Samaynaayo Dadka U Ku Dhacay Xanuunka Shuban Biyoodku Iyo Markii Ay Dhibaatadu Jirtay Dadka Reer Buhoodle Ayaa U Diiday Cisbitaalka Magaalada In U Gallo Waad Ogayden Oo Waan Waydiyey Waxanay Yidhaaden Ma Soo Geeli Karo C/xakiin Camay
Sidaas Ayaa Keentay In Aanu Iman Cisbitaalka Magaalada Buhoodle Waxaana Wanagsayd In Aanu Ka Soo Hor Ka Wareegin Cisbitalka Iyo Agagaarkiisa