Isbuuca soo socda gaar ahaan maalinta Axadda ah waxaa dhici doona kulan weyn oo ay isku arki doonaan Arsene Wenger iyo Jose Mourinho markaas oo kooxaha Man United iyo Arsenal ay isku fara saari doonaan garoonka Emirates Stadium.
Macalinka reer France ee leyliya Gunners ayaa shaaca ka qaaday inuu salaami doono dhigiisa reer Portugal marka ay ku kulmaan kursiga keydka ka hor bilowga ciyaarta darbiga ah ee labada kooxoodba muhiimka u ah.
Labadaan tababare dhawr jeer ayey xurguf dhexmartay marka laga hadlo waqtigii uu Mourinho hayay xilka tababaranimo ee Blues, iyadoo Jose uusan waligiis guuldaro kala kulmin Arsene 15-jeer oo ay is wajaheen labada shaqsi.
Ka hor kulanka darbiga ah, Arsene ayaa sheegay in wax walba oo dhibaato ah ay ahaayeen wax hore isla markaana uu xushmad u hayo Jose.
“Waan xushmeeyaa qof walba dabcan waan xushmeeyaa Manchester United” Ayuu Arsene Wenger u sheegay BeIN Sport.
“Waxey ila tahay in kulanka uu yahay kaliya kulan, taas ayaana ii muhiimsan aniga”
Marka dib loo laabto sanadkii 2014 ayey aheyd markii uu tababare Jose Mourinho hawada u mariyay Arsene Wenger hadal xanaf leh madama uu ku tilmaamay “Mid ku taqasusay fashilka”, bil kadib ayeyna isugu gacmo qaadeen Stamford Bridge.