Madaxweynaha Maraykanka Donuld Trump iyo dhigiisa Ruushka Vladamir Putin oo khadka telefoonka kuwada xiriiray ayaa ka niqaashay dejinta xaalada cakiran gacanka Koria iyo xal diplamaasiyadeed oo lagu soo dabaablo dagaaladda mudada lixda sanno ka socda dalka Siiriya
War-murtiyeed laga soo saaray aqalka laga maamulo ruushka ee Kremlin ayaa lagu sheegay in a labad hoggaamiye ay ku heshiiyeen inay ku kulmaan shirka G20 ee ka dhacaya Huburg bisha July ee sanadkan 2016ka, iyagoo ku ballamay inay xiriir dhow ka yeeshaan dagaalka lagu waxa ay ugu yeereen argagixisada Caalamiga ah.
Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa ka jiray Gacanka Kuuriya xaalad kacsan, ka dib markii Maraykanku uu halkaasi u diray Maraakiib dagaal iyo gantaalaha ka hortega gantaalaha, iyadoo madaxweynaha maraykanku uusan meesha ka saarin in dagaal lagu qaado Waqooyiga kuuriya.