Somaliland: Gudoomiye Cirro Iyo Cabdiqaadir Jirde Maxay Ka Yidhaahdeen Xaaladda Lagu Maanta Ku Sugan Yahay?

Date:

Gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna Murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” iyo xildhibaan Cabdiqaadir Jirde gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee WADDANI  ayaa goordhawayd warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa gaar ahaana xarunta golaha wakiilada Somaliland.

Waxaana gudoomiye Cirro iyo Xildhibaan Jirde ay si adag uga hadleen xadhiga ay xukuumadda Somaliland kula kacday saraakiil ka tirsan xisbiga oo Muddo Bil iyo dheeraad ah ku xidhan magaalada Hargeysa iyaga oo sheegay in ay ka yimaadeen hadda maxkamadda gobolka Hargeysa oo ay ka socoto dhagaysiga dacwada loo haysto saraakiishan WADDANI ka tirsan oo kala ah gudoomiyihii garabka dhalinyarada WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Xoghayihii Ciyaaraha WADDANI Yoonis Axmed Yoonis,waxaana ay labadan masuul ka dhawaajiyeen in labadan sarkaal loo hayso arrimo siyaasadeed balse aan loo haysan falal danbi  iyaga oo ka dhawaajiyey inaan ilaa hadda maxkamadda la horkeenin wax cadayn ah oo ku  saabsan arrimaha loo haysto labadan masuul.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somalilad ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” oo isagu ugu horeyn ka  hadlay xadhigan laban sarkaal iyo sida ay xisbi ahaan u arkaan ayaa waxa uu yidhi sida tan

“Waxaanu saaka tagnay oo aanu ka nimi hadda maxkamadda gobolka Hargeysa oo masuuliyiinta iyo madaxda xisbigu tageen,waxa maxkamadda la horkeenay mar Labaad laba masuul oo sar sare oo  aad ka war qabteen in ay muddo  Bil ka badan ay u xidhnaayeen arrimo Siyaasadeed oo aan u xidhnayn wax falal danbiyeed ah,maanta waxaan dhagaystay markhaatigii Koowaad ,waan kasoo baxnay ballamo kale oo aan la hayn awgeed ,waxa  noo muuqatay inaan wax cadayn ah markii aan dhagaysanay loo haynin masuuliyiintaa xisbiga,intii aan dhagaysanaynay ma jirto wax cadayn iyo markhaati ah oo ku cadeeyey danbiga ma jiro laakiin maxkamaddu waa socotaa ma jeclin inaan ka hor dhacno,laakiin waxaan usoo jeedinaynaa xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE inaan masuuliyiinta xisbiga lagu tacadiyin,lagu xadgudbin,xuquuqdooda laga qaadin,mucaaridka macnahiisu waxa weeye inuu xukuumadda toosiyo oo wax ka sheego,xukuumaddu ma waxay doonaysaa inay amaanaan mucaaradku? Taasi ma dhacayso,xukuumadda waxbaa laga sheegayaa waa la canbaareynayaa waa la dhaliilayaa waanay soconaysaa taasi.Waxaan usoo jeedinaynaa inay dulqaadkeeda yeeshaan waa waddo ay soo mareen shalay waxay ka cabanayeen ayay ku kacayaan iyagu maanta.”Sidaas ayuu yidhi gudoomiye Cirro.

Isaga oo hadalkiisa sii wata gudoomiye Cirro ayaa waxa uu ka dhawaajiyey inaanay ciidanka Booliska Somaliland iyo xisbiga WADDANI aanay wax colaad ahi ka dhaxayn isaga oo ku hambalyeeyey hawlaha ay qaranka u hayaan waxaana uu yidhi

“Waxaan runtii u mahadnaqaynaa Ciidanka Amaanka oo si wanaagsan u sugayey hawl maalmeedka shaqada,anaga waxaan jecelnahay inaan si wanaagsan ula shaqayno Ciidanka amaanka Somaliland,wax colaad ah oo ka dhaxaysa cidnaba iyo WADDANI toona ma jirto,waajibkooda shaqo waan ku taageeraynaa ciidanka  waxaana jecel nahay inaan si wanaagsan ula wada shaqayno ula falgalno,waxaana uga digaynaa xukuumadda inaanay shaqada Booliska siyaasadeyn oo amaro qaldan la siinin oo dambiyo aan jirin samayntooda laga daayo,arrintaasi waxay noo cadaatay inaanay jirin habayaraatee wax fal danbiyeed ah oo  halkaa nooga muuqda,waxaana ugu baaqaynaa Garsoorka inaanay u dabcin farogalinta xukuumadda,waa inay madaxbanaanaadaan Dastuurkaa madaxbanaaneeyey qofkii danbi gala waa ay ku qaadi karaan laakiin Kiis la siyaasadeeyey ama xisbiyada mucaaradka ah ha noqoto ama Saxaafadda haka soo jeedo waxaana ugu baaqayaa inaan la siyaasadayn,muwaadin kastena Xorriyadiisa lagama qaadi karo ilaa dambigiisa la cadeeyo,”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay gudoomye Cirro.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI ayaa isna ka hadlay xadhigan lagula kacay siyaasiyiintan WADDANI ka tirsan sidoo kalena waxa uu xisbiga KULMIYE dib u xasuusiyey waayihii mucaaradnimo ee ay soo mareen waxaana uu yidhi

“Sidaa uu  gudoomiyuhu yidhi KULMIYE wuu soo maray  mucaaradnimo,anaga oo xisbul Xaakimkii ah Ayaan ka dhiidhiyi jirnay  qaladkan lagula kaco,waxa jirtay mar xafiiskooda la baadhay oo laga baadhayey Idaacadd,ragii ugu horeeyey ee tagay aniga oo xisbiga UDUB ka socda ayaa xaruntooda ugu tagey ee la saftay ee diiday in lagu xadgudbo Ayaan ka mid ahaa,waxa jirtay maalinkii ay KULMIYE u dabaal dagayeen maalinkii SNM la aasaasey xafiiskooda ay ku qabsadeen ee Booliska lasoo hor dhoobay raggi ka hadlay  ee dhiidhiyey ee diiday Ayaan ka mid ahaa,markii Xabadda lagu ridey raggii diiday Ayaan ahaa,Saddexda murrashaxba waa Kayd madaxwayne mid kusoo baxayana alle ayaa og waxaanay leeyihiin xurmada uu leeyahay madaxwaynaha dalka qabsanayaa,Cabdiraxmaan Cirro ma gayo in qori afka laga galiyo,ma gayo in loo diido inuu booqdo dadka xidh-xidhan,markaa tii aan uga diidhinay ee aan uga hiilinay KULMIYE inay maanta ku kacaan waa Ayaan darro,markaa waxaan ka codsanaynaa in madaxda Axsaabta xormadooda la siiyo,in saddexda Murrashax Milgo isku mid ah lasiiyo,waxay mudan yihiin in saddexda murrashax ay waxii soo kordha ee doorashada ah inay tallo ka dhiibtaan ayay mudan yihiin oo ay ka wada tashadaan Somaliland-na sidaasay ku dhismaysaa”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Dhinac kalena gudoomiye Cirro ayaa waxa uu ka jawaabay su’aalo ay warbaahinta qaar waydiiyeen oo ku saabsan wakhiga uu ka dagayo gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ee uu ku dhawaaqayo iyo waliba walaaca ay ka qabaan ka xisbi ahaan  in doorasho xor iyo xalaal ah ay dhacdo madaama oo uu La taliyihii arrimaha Doorashooyinka ee madaxwayne Siilaanyo iyo gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ay ka dhawaajiyeen in shakhsiyaad gaar ah ay ku shaqaystaan awoodaha madaxwayne Siilaanyo.

Gabagabadiina dhawaaqan maanta kasoo  yeedhay hogaanka sare ee xisbiga WADDANI ayaa kusoo beegmaya xilli ay muddo bil ah ay magaalada Hargeysa ku xidhan yihiin saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI kuwaas oo kala ah gudoomiyihii garabka dhalinyaradda WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Xoghayihii Ciyaaraha WADDANI Yoonis Axmed Yoonis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...