Kooxda AS Monaco ayaa soo dhawanaysa Juventus kulanka lugta hore ee afar dhamaadka Champions Leaque-ga. Monaco ayaa kulankan ka doonaysa natiijo fiican si ay kulanka lugta labaad ee ee Juventus Stadium ka dhici doona ugu soo bixi karto finalka Cardiff ee Champions Leaque-ga.
Laakiin kooxda Allegri oo xili ciyaareedkan oo dhan laba gool ooga soo dhaliyay Champions Leaque-ga ayaa doonaysa in ay iska ilaaliso halista kooxda da’yarta u badan ee Monaco oo weerar cajiib ah soo bandhigtay xili ciyaareedkan.
Waxaa caawa iska hor imanaya weerarkii Champions Leaque-ga xili ciyaareedkan ugu fiicnaa iyo waliba difaacii ugu adkaa waxaana la sugayaa waxa kala qabsan doona labada kooxood ee Monaco iyo Juventus. Tababaraha Juventus ee Allegri ayaa sii aaminay shaxdii uu Barcelona kaga soo adkaatay waxaana booska uu Khedira ka ganaaxan yahay buuxiyay marchisio iyada oo weerarka ay hogaaminayaan Dybala, Mandzukic iyo Higuain.
Dhinaca AS Monaco waxaa kulankan taam buuxa u noqday Sidibe iyo Bakayoko laakiin waxaa maqan Mendy iyada oo weerarka ay hogaaminayaan Radamel Falcao iyo Kylian Mbappe.
AS MONACO:Subasic; Sidibé, Glik, Jemerson, Dirar; Bernardo Silva, Fabinho, Bakayoko, Lemar; Falcao, Mbappé
KAYDKA:De Sanctis, Jorge, Raggi, Touré, Joao Moutinho, Cardona, Germain
JUVENTUS:Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini, Alex Sandro; Pjanic, Marchisio; Dani Alves, Dybala, Mandzukic; Higuain
KAYDKA: Neto, Lichtsteiner, Benatia, Asamoah, Lemina, Rincon, Cuadrado.