Sicir-bararka iyo Saamaynta Abaaraha Ayaa Halkoodii Ugu Saraysay Maraya, Xukuumaduna Wax Dareen Ah Ma Muujin!
Xaaladda caafimaad ee dadka ay abaaruhu saameeyeen ayaa aad uga sii daraysa, waxaana ay wararku sheegayaan inuu xanuunka shuban biyoodku si xawli ah ugu sii faafayo deegaanada ku hareeraysan.
Gobolka Buuhoodle oo ka mid ah meelaha ugu daran ee uu xanuunkani ku fiday ayaa ay sii kordhaysaa tirada dadka uu soo ritay, waxaana wadarta guud ee dadka la dhigay cusbitaalada hoos yimaadda degmada Buuhoodle ay noqonaysaa 395 qof oo bukaan jiif ah halka ay 4 ruuxna u dhinteen 48 saacadood ee la soo dhaafay.
Wararka ku saabsan xanuunada ka dhashay saamaynta abaarta ayaa sidoo kale sheegaya in meelo kale oo ka tirsan gobolka Togdheer uu xanuunku illaa hadda ka taagan yahay, inkastoo aanay saamayn ahaan u dhigmin xaaladda deegaanada Buuhoodle hoosyimaadda.
Geesta kale Sicir-bararka iyo qiimo dhaca shilinka Somaliland ayaa saamayntii ugu xooganayd ku yeeshay bulshada ku dhaqan magaalooyinka dalka guud ahaan, waxaanay taasi kor u qaaday qiimaha maceeshadda daruuriga ah ee maalinlaha loo quuto.
Ganacsatada yar yar ee ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa muujisay sida uu sicirbararku u saameeyey maciishadooda, waxaanay sheegeen in dadka wax iibsanayaa ay hoos u dhaceen.
Khadra Ibraahim oo maqaaxi shaaha lagu cabo Hargeysa ku haysta oo BBC-da u warantay ayaa sidan tidhi:
“Sicir-bararku xad dhaaf buu noo saameeyey, nuskiiloo sonokorta ahaa ee 3000 shilin ahaa 4000 shillin ayuu ahaa caanihi yar-yaraa ee la xidh-xidhayay waa 1500 SLSH, anigu shaaha kunkii shilin ayuunbaan ku iibiyaa, dadkiina abaar baa haysta haddii xaqul daruuruhu iiga soo baxana waan arkaa haddii kalena waan iska rawaxaa, dadkii wax naga iibsanayay way yaraadeen, dadkuna waxba ma hayo”.
Hooyo Khadra Ibraahim oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay inay Hargeysa ku nool yihiin dad aan waxba karsan oo baahi iyo gaajo la ildaran, waxaanay sidoo kale xustay in saamaynta sicir-bararku ku kooban tahay dadka danyarta ah.
Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hadda wax jawaab ah ka bixin baahida iyo mushkiladaha shacbigeeda la soo dersay, ma jirto wax tallaabo ah oo ay ka qaaday sicir bararka, ma jirto wax qorshe ah oo ay ka yeelatay taakulaynta abaaraha mana jirto illaa hadda wax muhiimad ah oo ay siinayso dareenka bulshada.
Balse taas bedelkeeda xukuumaddu waxay ku mashquulsantahay u kala sad-burinta xisbiyada dalka iyo arrimo la xidhiidha doorashada soo socota, waxaana xusid mudan in todobaadkan ay aad ugu mashquulsanayd xadhiga iyo cabudhinta masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI.