Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Magaaladda Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaaradda afrika (AFRICOM), General Thomas Waldhuauser.
Kullanka oo saxaafaddu ay bannaan joog ka ahaayeen waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Federaalka, Taliyaha iyo Abaanduulaha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Stephen M. Schwartz iyo Saraakiil kale.
Kullankan ayaa looga hadlay Kaalmadda milateri ee maraykanku siinayo dowladda federaalka, Tababarada la siinayo ciidamadda Soomaaliya, Dhismaha ciidamadda Federaalka iyo la dagaalanka Kooxda Al-shabaab
Madaxweynaha maraykanka Donald Trump ayaa Soomaaliya u soo diray ciidamo maraykanka oo tababaro siin doono ciidamadda Soomaaliya, waxaa kaloo uu u aqoonsaday koofurta iyo bartamaha Soomaaliya goob dagaal.