Somaliland: Ciidanka Policeka Somaliland Oo Ka Hadlay Siyaasiyiin Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Xabsiga La Dhigay Iyo Qodobada Lagu Soo Eedeeyay

Date:

Afhayeenka ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Ganshaale sare Faysal Xiis ayaa ka hadlay xadhigaSiyaasi Cabdillaahi Axmed Daamur ooka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani kaasi oo ay shalay ciidanka boolisku xidheen .

Faysal Xiis oo xalay u Warameeyey Wariye Mahad Geelle Oo Ka Tirsan Bahda HadhwanaagNews Ayaa Xaqiijiyeyxadhiga Siyaasi Cabdilaahi Daamur waxaanu sheegay in ninkaasi uu Xaalad abuur kula kacay dhegaysiga dacwadda loo haysto guddoomiyaha garabka dhallinyarada iyo xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga Waddani oo maxkamadda ka socotay , isla markaana uu dil ugu hanjabay taliyaha saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa

“Eedaysanaha xidhan oo loo yaqaan Cabdilaahi Axmed Maxamed Daamur waxa uu si ula kac ah u weeraray taliyaha saldhiga dhexe ee booliska hargeysa Ganshaale Maxamed Ismaciil (Maxamed Case) waxaanu ku yidhi ” xabad ayaan madaxa kaaga dhufanayaa isaga oo sarkaalkaasi ku guda jira xilkii qaranku u igmaday taasi oo ah mid ka baxsan nidaamka sharciga , markii laga dareeray maxkamadda ayey ciidanku ninkaas kusaa qabteen debadda ” ayuu yidhi

Afhayeenka Ciidanka booliska Somaliland ayaa ka hadlay sida ay ku bilaabmatay arrinta muranka iyo rasaasta dhalisay ee shalay ka dhacday maxkamadda horteeda waxaana uu yidhi

“markii dadweynaha loo fasaxay in ay fadhiistan hoolka Maxkamadda si ay u dhegaystaan dacwadda labad Eedayse ee kala ah Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Yoonis Axmed Yoonis waxaa buuq iyo sawaxan halkaa ka bilaabay nimankii ka socday xisbiga Waddani oo ay ka mid ahayeen kuwii shalay saxaafadda la hadlaayey iyaga oo u adkaysan waayey eedii uu kusoo oogay Xafiiska Xeer ilaalinta qaranku”

Faysa Xiis ayaa sheegay in ciidanka lagu soo qaaday weerar loo adeegsaday dhagaxaan iyo ullo islamarkaana uu dhawaac ka soo gaadhay qaar ka tirsan ciidanka

“niman abaabulan oo ka tirsan xisbiga Waddani oo hoolka maxkamadda fadhiyey waxa ay ciidankii kusoo qaadeen weerar ay u adeegsadeen dhagaxaan ullo iyo iwm , waxaanay dhaawacyo u gaysteen qaar ka tirsan ciidanka booliska”

Ugu danbayntii Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Ganshaale Sare Faysal Xiis ayaa fariin u diray guud ahaan Madaxda iyo xubnaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani waxaana uu yidhi

” waxaan leenahay war ha noqonina hasha geela cunta ee cabaada , war iska daaya ciidanka booliska oo noqda sida axsaabta kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...