Somaliland: Badhasaab Ramaax Oo Kabaha La Dul-Maray Taliyah Fadal Iman Kuna Tilmamey Mid Agagas Ah

Date:

“Waxan leeyahay qiimayntu ha noqoto qofku waxa uu yahaye yaanay qabiil noqonin oo aanay hebel noqonin, ciidankuna wuu ka duwan yahay waxyaabaha kale,…” guddoomiye Ramaax.

Guddoomiye Ramaax Oo Sheegay In Gobolkiisa Laga Beddelay Saraakiil Hawlkar ah, Qaar ma Shaqaysteyaal ahna Loo Daayey

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Md. Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax), ayaa saluug ballaadhan ka muujiyey isku-shaandhaynta lagu sameeyey saraakiisha ciimada Booliska dalka, waxana uu talooyin muhiim ah oo la xidhiidha hannaanka haboon ee isku-beddellada caadiga ah loo maro u jeediyey taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Guddoomiye Ramaax oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa isaga oo muujinaya sida aanu masuul ahaan ula dhacsanayn isku shaandhayntaas, waxa uu si gaar ah carrabka ugu dhuftay sida ay isku shaandhaynta ciidamadu u saamaysay gobolka Togdheer oo uu xusay inay si aan haboonayn u taabatay.

Mudane Ramaax waxa uu si cad u sheegay in gobolka Togdheer laga beddelay saraakiil shaqadooda loo bogay oo bulshada kasbaday, halka taas beddelkeedan kuwo fashil ahaa loo daayey inay sii shaqeeyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa jira saraakiil badan oo gobolka Togdheer aad looga necbaa oo iska jooga iyo kuwo gobolka aad looga jeclaa oo ka tagtay, taliyaha ciidankana waxanu leenahay nin baa gabyey oo yidhi,”Haddaad quule iyo jeerin beerato, qare iyo saytuun kuuma soo baxo.”

Isaga oo hadalkiisa waxa uu ka hadlay oo uu sheegay inaan isku beddelladaas la sameeyey aan loo marin jidhkii saxda ahaa, waxana uu farta ku fiiqay inaan hab qabiil loo raacin isku shaandhayntaas, “Gobolka Togdheer waxa laga qaaday saraakiil badan oo laga jeclaa oo hawlkar ku ahayd oo dadku jeclaa oo shaqadoodu ahayd mid gobolka iyo qarankaba u dan ah, waxana aan leeyahay qiimayntu ha noqoto qofku waxa uu yahaye yaanay qabiil noqonin oo aanay hebel noqonin, ciidankuna wuu ka duwan yahay waxyaabaha kale,” ayuu yidhi guddoomiye Ramaax.

Isku-shaandhaynta lagu sameeyey saraakiisha ciidamada Booliska, ayaa saamaysay saraakiil tiro badan oo muddo dheer ciidamada kasoo tirsanaa, waxana ay isku shaandhayntaasi saamaysay gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan.

Guddoomiye Ramaax, ayaa isagu noqday masuulkii ugu horreeyey ee si cad u dhaliila isku shaandhayntaas, isla markaana iftiimiya gal-daloolooyinka ku jira, balse taliska guud ee ciidamada Booliska, ayaa iyagu weli wax jawaab ah ka bixinin eedahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...