Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in markii u horreysay booqasho ku tago magaalada Addis Ababa ee Caasimada Waddanka Itoobiya.
Sida lagu qoray Wakaalada Wararka Anadolu ee dalka Turkiga qeybteeda Carabiga, Diblomaasi sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu martiqaad rasmi ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.
Warka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha uu tagi doono Addis Ababa maalinta Arbacada ee soo socota, booqasho qaadan doonta 2 cisho.
Labada dhinac ayaa ka wada hadli doona xidhiidhka labada dal, xaaladihii ugu dambeeyay gobolka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxa Midowga Afrika, iyagoo ka wada hadli doona arrimaha ciidamada AMISOM.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo xaqiijinaya warkan ay faafisay Wakaalada wararka Anadolu ee laga leeyahay Turkiga qeybta Carabiga lagu qoro.
Xidhiidhka Madaxweyne Farmaajo iyo Itoobiya ayaa ahaa mid hooseeyay, iyadoo Itoobiya ka mid tahay dalalka saameynta ku leh Soomaaliya oo ay ka joogaan Ciidamo.
Booqashada Farmaajo uu ku tagayo Addis Ababa ayaa noqoneysa tii u horreysay ee uu ku tago Itoobiya, waana safarkii labaad oo dal Afrikaan ah ku tago.