Sheekh Xassan Daahir Aweys oo ka mid ahaan jiray hogaamiyayaashii urur diimeedyadii ka jiray dalka Somaliya isla markaana iminka ku jira gacanta Dawlada Somaliya , waxaana uu hada ku jiraa xabsi Guri .

Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa uu ka hadley urur diimeedkii dhawaan lagu dhawaaqey isla markaana la taageray dhulka Soomalida ee lagu magacaabo Al-saaciduun Bilxaq.

Sheekh Xasan Daahir ayaa fariinta uu soo duubay ku sheegay inuu si weyn u yaqaano hogaamiyaha kooxdan iyo ninka Soomaaliya u qaabilsan, isagoo bulshada ugu digay ururkaan cusub, wuxuuna caddeeyay inay yihiin koox takfiir ah oo dadka muslimiinta ah gaaleysiisa isagoo canbaareeyay fahamkooda khaldan ee dhinaca diinta.

Sheekh Xasan Daahir ayaa muuqaalka laga soo duubay ku sheegay inuu aqoon u leeyahay amiirka kooxdan ee reer Masar Mistafa Kamil iyo ninka u qaabilsan Soomaaliya Cusmaan Cabdulle Rooble.

Wuxuu soo jeediyay inaan kooxda wax dil ah loo geysan, xabsi la dhigin, isla markaana ciriiri la gelin, balse culimada diinta ay la doodaan oo afkaartooda dood lagala yeesho.