Manchester City ayaa soo dhaweyneysa dhigeeda Manchester United kulan ka tirsan horyaalka xilli labada kooxoodba ay dagaal ugu jiraan sidii ay ugu dhameysan lahaayeen afarta sare si ay uga soo qeyb galaan Champions League xili ciyaareedka soo aadan.
Farqiga labadaan kooxood u dhaxeeya kaliya waa 1-dhibcood Pep Guardiola wiilashiisa ayaana fadhiya booska 4-aad iyagoo leh 64-dhibcood, halka Jose iyo ciidankiisa ay kaalinta 5-aad la fadhiyaan 63-dhibcood.
Kulankii hore ee labada kooxood Pep ayaa 2-1 ku adkaaday markaas oo la isku qaabilay garoonka Old Trafford, balse markaan Jose wuxuu u socdaa aargoosi.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Manchester City vs Manchester United
Tartanka: Premier League
Garoonka: Etihad Stadium
Garsoore: Martin Atkinson (England)
Saacadda: 10:00 Habeenimo (XGA).
OLOLAHA: #KulankaMCMU – Twitter/Facebook.
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Paul Pogba ayaa seegi doona kulanka caawa sida uu xaqiijiyay Jose Mourinho kadib dhaawac soo gaaray kulankii Burnley iyadoo Antonio Valencia uu dib ugu soo laaban doono safka Red Devils kadib markii uu seegay labadii kulan ee ugu dambeysay.
Chris Smalling iyo Phil Jones ayaan wali taam noqon halka Juan Mata, Ibrahimovic iyo Marcos Rojo ay muddo dheer garoomada ka maqnaan doonaan.
Dhinaca kale David Silva ayaa shaki weyn la galinayaa inuu ciyaaro kulanka caawa kadib dhaawac soo gaaray kulankii Arsenal.
Sergio Aguero ayaa u muuqda mid heysta fursad fiican oo uu ku ciyaaro sidoo kalana Gabriel Jesus ayaa kusoo bilaaban kara ciyaartaan.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Markii ugu dambeysay oo ay labadaan kooxood kulamada Premier League ku kulmaan maalin khamiis ah waxey aheyd November 1994. United ayaana waqtigaas 5-0 ku adkaatay xilli Andrei Kanchelskis uu sadexley dhaliyay.
Jose Mourinho ayaa ku fashilmay inuu wax guul ah ka gaaro Manchester City afartii kulan ee ugu dambeeyay uu ka hortago kulamada horyaalka, inkastoo uu lix jeer oo xiriir ah garaacay intii u dhaxeysay December 2005 ilaa February 2014.
Jose Mourinho ayaa kaliya guul helay 4-jeer, 18-kulan oo uu ka hor yimid Guardiola, 6-barbaro iyo 8-guuldaro ayuu kala kulmay, balse kulankii ugu dambeeyay ee labada kooxood Mourinho ayaa adkaaday kulan dhacay October sanadkii hore ciyaar ka tirsaneed koobka EFL Cup.
Guardiola ayaa noqon kara macalinkii afaraad ee guul gaara kulanka Manchester Derby minan iyo marti kulamada Premier League hal xili ciyaareed iyadoo ay u tahay xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay – waxaana sidaas sameeyay John Bentley, Sven-Goran Eriksson iyo Manuel Pellegrini.
Wayne Rooney ayaa dhaliyay 11-gool kulamada Manchester Derby dhamaan tartamada oo dhan, waana ciyaariyahanka ugu goolasha badan kulankaan, balse wax gool ah ma dhalin shantii kulan ee ugu dambeysay.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Man City:
Bravo; Zabaleta, Stones, Kompany, Kolarov; Fernandinho; Sane, Silva, De Bruyne, Sterling; Aguero
Man United:
De Gea; Valencia, Bailly, Blind, Shaw; Herrera, Fellaini, Carrick; Mkhitaryan, Rashford, Lingard