Jamaahiirta Barcelona ayaa si cajiib leh ugu camirtay dhigooda Real Madrid kulankii ay kooxdooda 7-1 ku xasuuqday Osasuna ciyaar ka tirsaneed horyaalka La Liga kadib markii ay si wadajir ah ugu dabaal dageen goolka daah furka ciyaariyahanka reer Argentina.
Jamaahiirta Barcelona ayaa isku raacay iney u dabaal dagaan qaabkii uu Lionel Messi ugu dabaal dagay goolkiisii guusha ee kulanka El-Clasico markaas oo uu maaliaydiisa dhabarka dambe ka tusay dhamaan Jamaahiirta Madrid ee garoonka Santiago.
Si kastaba Lionel Messi ayaa laba gool dhaliyay xalayto taasoo ka dhigan inuu sii kordhiyay rikoorkiisa gooldhalinta La Liga isagoo leh 33-gool, halka goolashiisii 501-aad iyo 502-aad uu xalay shabaqa gaarsiiyay.
Lionel Messi wuxuu xalay ciyaaray iyadoo aysan ka garab ciyaareynin Luis Suarez iyo Neymar Junior waana markii ugu horeysay xili ciyaareedkaan.
Suarez oo aan shan kulan gool dhalin kursiga ayuu kusoo bilowday, halka Neymar uu qaatay kulankiisii ugu dambeeyay ganaaxii lagu soo rogay.