Nin u dhashay wadanka Iriland ee qaaradda Yurub ayaa loo diiday inuu galo dalka maraykanka toddobaadkii hore ka dib markii uu booqday magaaladda muqdisho dhowr jeer
Madaxa Shirkadda Tiknoolajiyadda ee stripe Patric collison ayaa qoraal uu ku qoray twitter wuxuu ku sheegay in qof ka mid ah shaqaalihiisa su’aalo ay waydiiyeen saraakiisha socdaalka maraykanka ka dib markii ay Passorkiisa ku arkeen shaabada Dal-Ku-galka Soomaaliya
Wuxuu sheeegay in saraakiisha maraykanka ay waydiiyay su’aalo, islamarkaana ay cabsi galiyeen
” waxay ii sheegeen in magacaygu uu u egyahay magacyo ay raadinayaan, ayna doonayaan inay ogaadaan inaan ahay iyo in kale dadka raadinayaa, qol ciriiriya ay i geeyeen, waxay igu yiraahdeen cod-baahiye, caamera iyo qalab kale oo sheegaya haddii aan wax qaraniyo” sidaas waxaa yiri nin arishka ahaa ee la xiray
wuxuu sheegay in in saraakiisha maraykanku ay u sheegeen sababta ay u xireen ay la xiriirto in Soomaaliya ay ku jirto wadamada laga mamnuucay dadkooda inay soo galaan dalka Maraykanka
Muwaadiniinta UK iyo Ireland waxaa loo ogolaa inay Fiiso la’aan dalka maraykanka, hase yeeshee Sanadii 2011ka ayaa maraykanku soo rogeen in muwadinkii wadamadaas ka socda ee booqda wadamada Iiran, Liibiya iyo Soomaaliya uu u baahan yahay inuu soo dalbado Fiisaha dalka maraykankaa.