Taliska qeybta booliska gobolka Bari ee Puntland-Soomaaliya ayaa ka hadlay gaari ay ciidanka ammaanka magaalada Bosaso gacanta ku soo dhigeen, kaasi oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo 5 nin oo watay.
Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari Gaashaanle dhexe Cabdixakiin Xuseen Yuusuf ayaa sheegay in qabashada waxyaabaha qarxa ay ka dambeeyeen kadib markii ay ciidamada ay howl galo ballaaran ka sameeyeen gudaha iyo hareeraha magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari
…Ciidamada waan u mahad celinaynaa ee geesiyaasha ah, qaraxyada waxaa lagu diyaariyay saddex fuusto oo loogu tala galay saddex gaari oo la doonayay in lagu qarxiyo saddex bartilmaameed oo muhiim ah ayuu yiri taliyaha qeybta booliska gobolka Bari Gaashaanle dhexe Cabdixakiin Xuseen Yuusuf.
Waan ka warheynay 4 ka mjd ah shanta nin magaalada hadda ayey soo galeen ilaah baa mahad iska leh oo inoo suurta geliyey in cadowga gacanta aan ku soo dhigno ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha qeybta booliska gobolka Bari Gaashaanle dhexe Cabdixakiin Xuseen Yuusuf
Gaariga la soo qabtay oo noociisa yahay Suzuki ama Soomaalidu u taqaan dhikilo ayaa laga soo qabtay jidka soddonka ee magaalada Bosaso.
Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari Gaashaanle dhexe Cabdixakiin Xuseen Yuusuf aya shacabka ugu baaqay in ay muujiyaan feejignaan isla markaana la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hor tago falalka amni darada ah.