Goob fagaare ah oo ku taal magaaladda Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfurta Galbeed ayaa Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad waxay dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa booliiska oo magaalada Buurhakaba ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray Qaasim Cabdiyoow Keerow isla markaana dhawacay labo wiil oo marxuumka uu dhalay.
Maalintii Shaley ayaa maxkamadu waxay magaaladda Baydhabo ku toogatay afar nin oo lagu eedeeyay inay ka danbeeyay qaraxyo ay dad ku dhibteen oo ka dhacay Baydhabo.