Lionel Messi Oo Sabab U Noqday In La Baajiyo Xaflad Laga Agaasimay Guriga CR7 & Kabtanka Portugal Oo Gacalisadiisa Ka Mamnuucay Iney Agaasinto Xafladaha.

Date:

Cristiano Ronaldo ayaa isku diyaarinayay inuu qaato isbuuc dhamaad fiican iyadoo Real Madrid ay kulanka El-Clasico la laheyd Barcelona, si kastaba kulanka ayaa ugu soo dhamaaday si niyad jab ah madama Messi uu go’aamiyay natiijada ciyaarta.

Halkii uu xaflad ay agaasintay gacalisadiisa Georgina Rodriguez ugu dabaal dagi lahaa guusha Madrid, wuxuu garoonka ka baxay iyadoo Messi uu goolashiisii 499-aad iyo 500-aad ku dhaliyay Santiago.

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Portugal, Georgina Rodriguez ayaa agaasimeysay xaflad yar oo la qorsheeyay iney ka dhacdo guriga Ronaldo, taasoo la rajeynayay in loogu dabaal dago guusha Madrid marka seeriga la yeeriyo kulanka Santiago.

Si kastaba guuldaradii soo gaartay Los Blancos ayaa sababtay in la kansalo xafladii la doonayay iney ka dhacdo guriga CR7, iyadoo kabtanka Portugal uu ganaax kusoo rogay gacalisadiisa una sheegay ineysan agaasimi doonin mar dambe xaflado nuucaan ah.

Labadaan lamaane ayaa xiriir wadaagayay muddo 7-bilood ah, waxaana dhawr jeer lagu arkay meelo kala duwan haba ugu weynaato xafladii uu Ronaldo ku gudoomay abaalmarinta FIFA the Best bishii January.

Ugu dambeyntiina Georgina Rodriguez ayaa inta badan waqtigeeda la qaadatay Ronaldo hooyadiis Dolores Aveiro, balse suuragal uma ahan iney mar dambe qaban-qaabiso xaflad lagu sharfayo saaxiibkeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...