Maxaa Lagu Qoray Saaka Bogaga Hore Ee Wargeysyada Spain Ka Dib Guushii Barcelona Ay Ka Gaartay Real Madrid Ee El Clasico?

Date:

Lionel Messi ayaa xalayto dib u soo kiciyay tartanka horyaalka La Liga ka dib markii uu waqtigii dhimashada uu dhaliyay goolkii guusha ee ay kaga badiyeen kooxda Real Madrid oo marti loogu ahaa Santiago Bernabeu, labada kooxood ayaa haatan isku dhibco ah iyagoo wadaaga 75 dhibcood inkastoo Los Blancos ay hal kulan u harsan tahay.

Hadaba waxaan saaka indhaha soo marinay wargeysyada ka soo baxa dalka Spain ee sida gaar ah uga faalooda isboortiga, waxaana ay ahaayeen kuwa ku tartamaya soo jiidashada bogga hore haddii ay ahaan lahaayeen kuwa u janjeera dhanka Barcelona ama kuwa u janjeera dhanka Real Madrid.

Jariirada Madrid fadhigeedu yahay ee Marca ayaa bogeeda hore waxa ay ku soo qaadatay sawirka Lionel Messi oo tusaya jamaahiirta

Bernabeu maaliyadii No. 10 ka dib markii uu dhaliyay goolka guusha waqtigii dhimashada ee ciyaarta.

Waxa ay bogooda hore ku xuseen in Messi uu ahaa xiddiga go’aansaday ciyaarta, waxaana ay soo qaateen jumlada Isbaanishka ee “Hay Liga” oo u dhiganta in tartanka horyaalka La Liga uu weli furan yahay.

Marca waxa ay sidoo kale soo qaadatay daafaca bidix ee Real Madrid Marcelo kaasoo qiranaya in goolkii seddexaad ee ay Barcelona dhalisay inuu ahaa qaladkiisa.

Jariirada kale ee Madrid ka soo baxda ee AS ayaa iyaga sawir ka duwan kan Marca soo dhigay bogooda hore waana sawir laga qabtay markii Navas uu goolka ka dhalanayay, waxaana ay cinwaan ka dhigteen: “Bandhiga ugu weyn caalamka”

Waxa ay sidoo kale soo qaateen casaankii Sergio Ramos iyo inuu gacanta kala hadlay Gerard Pique isagoo u tilmaamay inuu hadal badan yahay.

Sidoo kale jariirada AS waxa ay soo qortay tababaraha Barcelona Luis Enrique oo oranaya: “Si la yaqaano ayaan ugu badinay 3-2, waana jecleysanay.”

Halka ay sidoo kale soo qaateen hadalkii tababaraha Real Madrid Zidane kaasoo isna yiri: “Markii ay ciyaarta aheyd 2-2 waxa ay aheyd inaan maskax isticmaalno. Waxaan dagaalami doonaa ilaa iyo dhamaadka.”

Jariirada u janjeerta dhanka Barcelona ee Mundo Deportivo ayaa bogooda hore soo dhigay sawirka dhameystiran ee Messi uu maaliyadiisa tusayo jamaahiirta Santiago Bernabeu xitaa waxa ay gadaal mariyeen magaca jariiradooda iyo si buuxda uu sawirka uga muuqdo bogga hore.

Mundo Deportivo waxa ay qoreen: “Messi oo ku hogaamiyay Barcelona guusha caanka aheyd ee Bernabeu taasoo keentay inay Madrid uga hormaraan rikoorka fool ka foolka ah. Messi oo gaaray 500 gool, Rakitic oo mar kale gooldhaliyay iyo Ramos oo casaan qaatay ka dib qalad uu ku galay Messi.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...