Tartanka loogu jiro kabta dahabka gooldhalinta horyaalada yurub ayaa meel xiiso leh maraya Lionel Messi ayaana hogaanka sii dheereystay kadib markii uu laba gool ka dhaliyay Real Madrid kulankii El-Clasico ee ka dhacay Santiago Bernabeu.
Leo wuxuu ku hogaaminayaa 62-dhibcood madama uu dhaliyay 31-gool, isagoo 6-dhibcood ka fogaaday weeraryahanka Sporting Lisbon Bas Dost oo 56-dhibcood leh.
Luis Suarez oo ah wiilka difaacanayaa abaalmarintaan kuna guuleystay xili ciyaareedkii hore ayaa ku jira meel hoose isagoo dhanka goolasha la siman Romelu Lukaku oo ah kan ugu sareeya horyaalka Premier League.
Shanta horyaal ee ugu waaweyn waxey halkii gool ku helaan (2-dhibcood) sida horyaalada: Premier League, Serie A, La Liga, Bundesliga iyo Portugal, wixii kasoo hara waxey helaan 1.5 dhibcood waxaana ugu horeeya Faransiisak.
Edinson Cavani oo 31-gool dhaliyay sida Lionel Messi wuxuu ku jiraa liiska meelaha hoose madama League 1-ka uusan ka mid aheyn shanta horyaal ee ugu awooda badan yurub waqtigaan.
LIISKA 10-KA XIDIG EE UGU SAREYSA TARTANKA:
- Lionel Messi (Barcelona) – 31 goals, 62 points
- Bas Dost (Sporting CP) – 28 goals, 56 points
- Pierre-Emerick Aubameyang (Dortmund) – 27 goals, 54 points
- Robert Lewandowski (Bayern Munich) – 26 goals, 52 points
- Edin Dzeko (Roma) – 25 goals, 50 points
- Andrea Belotti (Torino) – 25 goals, 50 points
- Luis Suarez (Barcelona) – 24 goals, 48 points
- Romelu Lukaku (Everton) – 24 goals, 48 points
- Mauro Icardi (Inter) – 24 goals, 48 points
- Edinson Cavani (PSG) – 31 goals, 46.5 point