Somaliland: Oo Ka Baaqatay Shirka Tana Forum Ee Itoobiya Lagu Qabto Oo Ay Ku Kulmaan Madaxwaynayaal Badan Oo Afrikaan Ahi

Date:

Xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ayaa ka baaqatay inay ka qayb gasho shirka ay ka qayb galaan madaxda qaarada Afrika ee Tana Forum kas oo sanad kaste lagu qabto Itoobiya,doorkana lagu qaban doono magaalada Daahir Dar ee dalka Itoobiya.

Shikan oo ah shir muhim ah ayaa waxa hore uga qayb gali jirey wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis kaas oo samayn jirey galaan-gal diblomaasiyadeed oo uu madaxda Afrika ugu soo bandhigo qaddiyada Somaliland,Hase’yeeshee sanadkan iyo sanadkii ka horeeyey ee uu xilka kasii maqnaa ayaanay  jirin cid Somaliland  shirkaasi uga qayb gashay.

Waxaanu Maxamed Biixi Yoonis sanadkii 2016 shirkaas ka qayb galay isaga oo muwaadin ah oo an xil dawladeed haynin.

Shirka sanadkan oo uu ajandahiisa ugu wayn ahaa Khayraadka Dabiiciga ah ee ku duugan qaarada Africa,ayaa waxa furey raysal wasaaraha dalka Itoobiya Hailamariam Desalegn.

Shirkan oo sanadkan Somaliland dayacday inay ka qayb gasho waxa goob joog ka ahaa raysal wasaaraha Itoobiya,madaxwaynaha Uganda,madaxwaynihii hore ee Koonfurta Nayjeeriya,  Obasanjo oo ah gudoomiyaha Foramkan.sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ururka Midowga Afrika Thomas Kwesi ayaa isna kamid ahaa madaxda shirkaasi ka qayb gashay.

Shirkan ayaa Somaliland u ahaa fursad ay madaxda ka qayb gashay ugu bandhigi kari lahayd qaddiyadeeda iyo faa’idada ay Somaliland u yeelan karto Afrika hadii ay hesho aqoonsi rasmi ah,waxaana kamid yahay shirarka ay Somaliland kaga shaqayn karto qaaradda Afrika madaama oo ay ka qayb galayaan madaxwaynayaal badan oo Afrikaan ahi.

Lama garanayo sababta ay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo shirkaasi oo ah fursad muhiim ah uga qayb gali wayday,waxase jira dad badan oo aaminsan in gaabis ku yimi aqoonsi raadiska wakhtigan madaxwayne Siilaanyo xilka hayo marka la garab dhigo xukuumaddihii ka horeeyey.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...