Real Madrid vs Barcelona – El-Clasico – Kulanka Go’aamin Kara Mustaqbalka La Liga Ee Xili Ciyaareedkaan.

Date:

Real Madrid ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta Barcelona, kulanka El-Clasico ee ah kan ugu weyn kubadda cagta, waxaana kulankaan uu kusoo aaday xilli Los Blancos ay 3-dhibcood ka horeyso kooxda reer Catalan, hana iloobin in wiilasha Zidane ay kulan baaqi ah heysstaan.

Luis Enrique ayaa leylin doona Barcelona kulankii ugu dambeeyay e El-Clasico kulamada horyaalka, madama uu dhamaadka xili ciyaareedkaan isaga huleelayo Camp Nou.

Kulankaan waa kulan ay ku xiran tahay rajada Barcelona ee horyaalka waana kulanka go’aamin kara mustaqbalka La Liga – Hadii uu furan yahay iyo hadii uu koox u dhintay,

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Real Madrid vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Garoonka: Santiago Bernabeu

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Alejandro Hernandez (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Dani Carvajal ayaa dib uga soo laaban doona ganaax, sidoo kale Gareth Bale ayaa kusoo laabtay safka Madrid kaas oo dhaawacyo ku seegay kulankii Gijon iyo lugtii labaad ee Bayern Munich.

Pepe iyo Varane ayaan kulankaan ka qeyb qaadan doonin kuwaas oo dhaawacyo kala gooni ah ku maqan, Nacho ayaana la istaagi doona Ramos daafaca dhexe.

Dhanka kale Neymar Junior ayaa seegaya kulanka El-Clasico kadib markii uu casaan qaatay kulankii Malaga iyadoo ay usii dheereed in la ganaaxay sadex kulan madama uu garsoorka u sacab tumay.

Jordi Alba ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilowdo, halka Paco Alcacer isna ay macquul tahay inuu badalo Neymar.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

 

Cad-Cadka waxey kaliya guuldareysteen 2-jeer, lixdii kulan ee ugu dambeysay ee ay labada kooxood ku ciyaaraan Santiago, 3-guul iyo 1-barbaro ayaana u dheer dhamaan tartamada oo dhan, guushii ugu dambeysayna waa midii ay ka gaareen Benitez 4-0, November 2015.

Real Madrid wax guuldaro ah sooma wajahin labadii El-Clasico ee ugu dambeysay kulamada horyaalka waxeyna heysataa 1-guul iyo 1-barbaro, waana rikoorkii ugu fiicnaa oo ay heysato tan iyo March 2013 markaas oo ay heysteen Mourinho.

 

Real Madrid ayaa gool dhalineysay kulan walba 43-dii kulan ee ugu dambeysay La Liga, kaliya Barcelona ayaa rikoor ka dheer sameysay taas oo 2013 sameysay 64-kulan oo xiriir.

Barcelona ayaa dhalisay gool, 22-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajahday Real Madrid, waana rikoorkii ugu fiicnaa oo ay koox ka heysato taariikhda El-Clasico.

Sadexleydii uu 2014 ka dhaliyay Real Madrid ayaa Lionel Messi ka dhigtay inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sareeya kulankaan 21-gool, isagoo dhaafay Di Stefano oo 18-gool dhaliyay.

Tan iyo kulankaas, Lionel Messi wuxuu ciyaaray lix El-Clasico wax gool ahna ma dhalin waana markii ugu xumeyd oo uu wajaho Madrid dhamaan tartamada oo dhan.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 16-gool kulanka El-Clasico dhamaan tartamada oo dhan kaliya Alfredo Di Stefano (18) iyo Lionel Messi (21) ayaa ka badan.

 

XIDIGAHA LA DAAWADO:

Shaki kuma jiro in kulankaan laba xidig kaliya laga daawan doono marka maqaamka guud laga fiiriyo waana labada xidig ee ugu sareeya kubadda cagta waqtigaan.

Cristiano Ronaldo [Real Madrid]

Lionel Messi [Barcelona]

KULANKII UGU DAMBEEYAY:

Kulankii ugu dambeeyay labada kooxood wuxuu dhacay December 2016 markaas oo ay labada kooxood ku kala baxeen (1-1), Luis Suarez ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta gool u dhaliyay Barcelona, halka Sergio Ramos uu waqtigii dhimashada madax ku barbareeyay.

LINE UP MACQUULKA AH:

Real Madrid:

Nacas, Nacho, Ramos, Carvajal, Marcelo, Casemiro, Kroos, Modric, Benzema, Bale, Ronaldo.

Barcelona:

ter Stegen, Pique, Umititi, Roberto, Alba, Busquets, Iniesta, Rakitic, Messi, Suarez, Alcacer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...