Somalia: Raysalwasaare Kheyre muxuu ku soo arkey degmada Dayniile ee uu booqdey?

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho ku tegay degmada Dayniile ee duleedka Muqdisho, isagoo u kuurgalay xaaladaha amniga iyo arrimaha bulshada ee degmada ka jira, waxana uu Mudanuhu warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta iyo dadweynaha degamada. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaalada uu Ra’iisul Wasaaruhu xilliyadii ugu danbeeyey kor ugu qaadayey shaqooyinka dawladda iyo adeegyada loo fidiyo dadweynaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shir looga hadlayey amniga ka furay degamada Dayniile, waxana shirka goobjoog ka ahaa taliyayaasha ciidamada, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka amniga gudaha,guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Intaas ka dib, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dadka tabaalaysan ee ku nool degmada Dayniile u qaybiyey deeq ka ka timid dawladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta, waxana Mudanuhu uu dawladda Imaaraadka uga mahadceliyey sida ay u garab-istaagtay shacabka iyo dawladda Soomaaliya xilligan adag iyo dhammaan xilliyadii adkaa ee uu qarankeennu soo maray.

Dayniile ayaa la sheegaa in ay kamid tahay goobaha al-Shabaab ay ku dhuumaaleystaan guryo qarsoodi ahna ku leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...