Qofna rajo kama qabin in goolhayaha Juventus Gianluigi Buffon uu si nadiif ah ku gaari doono semi finalka tartanka Champions League marka la eego da’diisa iyo sida ay halis u yahiin MSN oo ka mid ah weeraryahanada ugu halisan waqtigaan qaaradda yurub.
Wuxuu ahaa darbi weyn oo laga dhisay magaalada Turin ee dalka talyaaniga markii ugu horeysay oo ay ku guuldareysteen iney shabaqiisa taabtaan kulan 3-0 ku dhamaaday oo dhacay isbuucii lasoo dhaafay.
Kadib soo laabashadii mucjisada aheyd ee ay ku sameeyeen Paris Saint Germain, markaas oo ay 8-di Maarso 6-1 ku garaaceen markaan waxey ku hungoobeen iney dhaafaan Giorgio Chiellini, Leonardo Bonucci, Andrea Barzagli & kabtan Buffon kuwaasoo lagu amaani karo bandhigoodii xalay.
“Marka laga tago natiijada, kalsoonida iyo dhaqanka rabitaankeena wuxuu ahaa mid wanaagsan, waxey aheyd kalsooni fiican oo sii xoojisay inaan si raaxo leh uga gudubno koox sida cad ka mid ah kuwa ugu wanaagsan dunida” ayuu yiri Gigi Buffon.
“Uma maleynayo inaan ku fakarayay inaan fursad fiican u heysanay inaan u gudubno kadib guushii (3-0) ee lugta hore, balse sida daacadda ah ma aaminsaneen inaan Camp Nou inta imaano shabaqa difaacan karno. marka aad wajaheyso koox sidaan oo kale ah oo leh dooqa weerar, waxaad ku fakareysaa in hal ama laba gool lagaa dhalinayo” ayuu yiri mar kale xidigii hore Parma.
“Xaqiiqdii waxaan ka joojinay Barcelona 180-daqiiqo oo kulan kubadda cagta ah taasna waxey la micno tahay inaan adag nahay”