Haweenka ku Ganacsada Sariimadda weyn ee Magaalada Boorama, ayaa Mudaharaad ka hor sameeyay Xarunta Dawladda hoose ee Magaaladaasi Shalay.
Haweenkan oo ka mid ah Dadka Ganacsiga yaryar ee Khudaartu ka mid tahay la fadhiista Sariimadda Boorama, ayaa Mudaharaadkan kaga soo horjeeda Cashuur ay sheegeen in Dawladda Hoose ee Boorama ku kordhisay.
Haweenka Mudaharaaday oo socod ay ka soo bilaabeen Sariimadda ay ku Ganacsadaan ku tagay Xarunta Dawladda Hoose, balse markii ay isku dayeen inay gudaha u galaan ay Ciidammada Ammaanku ka hor-joogsadeen, ayaa Saxaafadda uga warramay waxay ka cabanayaan ee keenay inay Mudaharaadaan.
“Berigii hore marka aanu Kiiloo Baradho ah soo qaadanno waxa Maalintii la naga qaadi jiray Shan Boqol oo Shilin, imikana waxa laga dhigay Kun Shilin. Waxa intaa noo dheer Bajaajtii (aanu la raacaynay) waa laba Kun oo Shilin, markaa Masaakiintu illaa xad-bay dayacan yihiin.”ayay tidhi ka mid ah Haweenka Mudaharaadka sameeyay.
Haweenay kale oo ka mid ah kuwa Mudaharaadka la hor-tagay Xarunta Dawladda hoose ee Boorama, aya farriin u dirtay Madaxweynaha, “Madaxweynaha waxaanu ka codsanaynaa inuu Sicir-bararka wax ka qabto, Waayo? Bajaajtii waxa laga dhigay Laba Kun oo Shilin, Dadka Danyarta ahina ma wada qaadi karaan Lacagtaas, markaa Madaxweynaha waxaan leeyahay sidii Codka laguugu riday inaad Dadkana hoos u eegto ayaa lagaaga baahan yahay.”ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Maalin kasta Askar baa la noo keenaa oo nagu gumaysta Meesha (Sariimadda), oo nagu yidhaahda Khasab ku bixi kun Shilin Cashuurtii waa la kordhiyey’e. Anigoo Kiiloo Tamaandho ah (Xabuub) dhig-dhiga Suuqa ayaa la igu yidhi dhulka Sicir-barar baa ka dhacay, Cashuurtiina waa la kordhiyey ee Shan boqol ku dar Shantaad hore u bixin jirtay.”
Hooyo kale oo Mudaharaadayaasha ka mid ahayd, ayaa ka warrantay dhibaato ay sheegtay inay ku hayaan Cashuur-qaadayaasha Dawladda hoose ee Boorama iyo Cashuurta ay sheegeen in lagu kordhiyey, waxayna tidhi “Miskiinad Labaatan Gacmood oo Muus ah suuqa dhigatay, ayuu ku yidhi Kun Shilin bixi (Cashuur Qaaduhu), la iima aftixin bay tidhi, waan ku xidhi ayuu yidhi, i xidh haddaad i xidhayso ayay tidhi, Shan Askari buu dul-keenay Saaka (Shalay). Wuxuu yidhi labaatan kun oo Ganaax ah haddaad bixin waydo Muuska ayaan ku joog-joogsan, Annaga oo la jaar ah ayaa ku soo kacnay oo ku nidhi, Dawladdaay ILAAHAY ka baq, idinkaa Masaakiintan ka masuul ah’e, Waxba igama gelin ee orda oo Maayarka u taga ayuu yidhi (Cashuur Qaadihii Askarta watay), haddaanad u tagayna Alaabtaan kaa jejabin ayuu yidhi. Markaa haddii aanu nahay Hooyooyinkii Magaalada ee Bacad-joogga ah waxa na soo kicisay Naf.”
Hooyadan oo hadalkeeda sii wadata ayaa Dawladda ku eedaysay inay ugu horeyso Cidd masuulka ka ah Sicir-bararka Dalka ka jira, “Sicir-bararka Dawladda u horeysa, Waayo? Shan Boqol oo Shilin bay Maalintii naga qaadayeen, Shan bay nagu kordhiyeen oo Kun Shilin bixiya ayay yidhaadheen, halkay wax naga deyn lahaayeen. Xashiishka Lacag gaar ah ayaa la naga qaadaa, markaanu 20 Dumar ah isku raacno ee aanu Shan Kiish oo khudrad ah Gaadhi yar u soo qaadanno Kaantaroolka Lacag gaar ah ayaa la nagaga qaadaa..”ayay tidhi.
Dhanka kale, Cabashada Haweenka Khudradleyda ah ee Boorama, ayaa ku soo beegmaysa Xilli guud ahaan Somaliland laga dareemay Sicir-bararka ku yimid Lacagta Qalaad ee Dollarka, taasi oo gaadhay in Boqolka Dollar lagu sarriffo lacag u dhaxaysa 860,000 kun illaa 9000 oo kun.
Sicir-bararka Dollarka ayaa saamayn weyn ku leh Qiimaha Maceeshadda quutal-daruuriga ah iyo Alaabooyinka kale ee Muhiimka ah, Tusaale ahaan Qasaacadda Baalashka ah oo hore Tukaammada Hargeysa ugu iibin jireen 2000 kun oo Shilin, waxa ku kordhay 1000 kun shilin, taasi oo keentay in Baalashleyaasha Caasimadda qaarkood durba Beerkii Kabaha ahaa ee ay ku baalasheyn jireen shanta boqol ee Shilin ay ka dhigaan Kun Shilin.
Mid ka mid ah Baalashleyaasha oo Weriye mid ah Himilo Shalay waydiiyey Sababta ay Baalashka uga dhigeen kunka Shilin, ayaa sheegay in Qasaacadda Baalashka ah oo hore looga siin jiray laba Kun oo Shilin hadda lagaga iibiyo Saddex kun, taasina ku khasabtay inay iyaguna qiimaha kordhiyaan.
Weriyaha oo Baalashlaha uu la kulmay waydiiyey Sababta ay u kordhin waayeen wax ka yar Shan boqol oo ay ugu yaraan Qiimaha Baalashka uga dhigi waayeen 7 boqol oo Shilin, ayaa ku dooday “Waxaanu Shanta boqol u kordhinay ee aanu 7 boqol oo kale uga dhigi waynay, waxaan jirin Lacag Sir-sir ah oo ka yar Shan boqol..” ayuu ku dooday Baalashlahaasi, Wallow qiimo-korodhka Baalashku aanu weli Magaalada wada gaadhin ama Baalashleyaashu wada kordhin qiimaha.