Dooni Kalluumaysi oo ka baxday Xeebta Berbera Shakay, ayaa la sheegay inay ku degtay deegaan u dhexeeya Berbera Iyo Ceel-daraad oo dhanka Bariga kaga beegan Magaalada Berbera.
Doonidan oo ay wateen Lix Nin oo Kalluumaysato ah, ayaa ku degtay Biyaha Badda ee u dhexeeya Deegaanka Ceel-daraad iyo Berbera waxaana la helay Laba Nin oo ka mid ahaa Lixdkii Kalluumayste, halka illaa hadda aan Raq iyo Ruux aan la haynin Afartii Qof ee kale iyo Doontii.
Sidaana waxa xaqiijiyey Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo Shalay Warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan Hargeysa.
Wasiir Buureed wuxuu sheegay in Doonta degtay ka ambo-baxday Berbera, laakiin Shalay ahaan laga war-helay inay ku degtay Biyaha Badda ee Deegaanka Ceel-daraad oo sida la sheegay dhinaca Bariga kaga beegan Berbera.
“Waxa la noo soo sheegay Kalluumaysiga Dooni ka baxday Magaalada Berbera ay ku Qaraqantay Deegaanka u dhexeeya Ceel-daraad iyo Berbera.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Doonta waxa watay Lix Nin, Laba Nin waalla helay, Afar iyo Doontiina weli waa la’yahay. Waxaana loo maleynayaa inay Qaraqeen Dabaylo Shalay dhacay, halkaasina malaha isgaadhsiin, Waayo? Telefoonnadu kama shaqeeyaan..”
Wasiirku wuxuu sheegay inay Maamulka Gobolka Saaxil iyo Isku-duwaha Wasaaradda Kalluumaysiga ee Gobolka Saaxil fareen in loo gurmado Doontaa Qaraqantay, “Badhasaabka Gobolka iyo Isku-duwihii Gobolka (Saaxil) waanu la hadalnay bal in loo gurmado, oo Dadkii hadday dhinteena Meydkooda la raadiyo iyo haddii Nolol lagu helo-ba.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Aad baanu uga niyad xunnahay inay Dadkaasi dhinteen, oo aad baanu uga baqaynaa (inay dhintee), wax kastana waa Qadar ilaahay. Maamulka Gobolka iyo Ciidan badduna berbera ayay ka bixi doonaan oo goobta ayaa tagi doonaan.”