Qaybo ka mid ah Ciidammada Qaranka Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool, ayaa Shalay u Ruqaansaday koonfurta Gobolkaasi.
Ciidammadan oo la sheegay inay qaarkood ka dhaqaaqeen Duleedka Degmooyinka Laascaanood iyo Xuddun ee Gobolka Sool, ayaa fadhiisin ka samaystay Deegaan lagu Magacaabo Daba-taag sida ay sheegeen Warar uu Wargeyska Himilo ka helay Gobolka Sool.
Illaa hadda lama oga ujeeddada dhabta ah ee Ciidammada u Ruqaansadeen, laakiin Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa Laba Maalmood uun ka dib, markii Wefti Xukuumadda Somaliland ka tirsan ay socdaal ku tageen Koonfurta Gobolka Sool, gaar ahaan deegaan ay dhowr jeer ku dagaalameen Labada Beelood ee Baharar-same iyo Qayaad ee Dhulbahante, halkaasi oo ay kulan kula yeesheen Odayaasha labada Beelood.
Kulankaasi oo ay Goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Arrimaha gudaha, Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka iyo Saraakiisha kale ee Ammaanka, ayaa hadalladii halkaasi laga jeediyey waxay Masuuliyiintu ku sheegeen in si cad wax looga qabanayo Colaadda soo noqnoqotay ee labada Beelood ee halkaasi wada dega isla-markaana Xukuumaddu soo faro-gelinayso colaaddooda.
Sidoo kale, Dhaqaaqa Ciidammada ayaa ku soo beegmay Maalin uu ka dib, markii Weftiga Xukuumadda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi Magaalada Laascaanood kulan ku yeesheen Guddida Nabadgalyada Gobolka Sool oo ka kooban Saraakiisha Ciidammada iyo Maamulka Gobolka Sool, kulankaasi oo lagaga wada-hadlay Xaaladda Nabadgalyo ee Gobolka Sool, taasi oo dabcan ay qayb ka tahay fulinta Go;aamo Xukuumaddu ka soo saartay Colaadda labada Beelood ee Xalkeedu raagay, sida uu Wasiirka Madaxtooyadu ku sheegay qoraal uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Shabakadda Xidhiidhka Bulshada ee Facebook, “Waxaan saaka shir ballaadhan ugu yeedhnay (Doraad) Guddida nabadgalyada gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ka kooban maamulka iyo saraakiisha ciidamada kala duwan. Kulankaas waxaanu uga dan lahayn adkaynta iyo xoojinta nabadgalyada gobolka guud ahaan iyo gaar ahaanba, meel-marinta go’aamadii aanu weftigayagii Xukuumaddu ka soo saarnay xaaladda shaqaaqooyinka taagan. Waxaan saraakiisha iyo masuuliyiinta kala duwan kula dardaarnay inay xilkooda iyo waajibaadkooda u gutaan si sharciga waafaqsan oo dddaal iyo daacanimo leh, waxaanu ku kalsoonahay in ay hawlahaa u fulin doonaan sidii loogu tallo galay.” Ayuu Wasiirku qoraalkiisa ku sheegay.
Sidaa darteed, Ciidammada Qaranka ee shalay u ruqaansaday dhinaca deegaanka Daba-taag ee Koonfurta Gobolka Sool, ayaa la rumaysan yahay inay u socdaan meel-marinta Go’aammada Xukuumaddu ka soo saartay Colaadda labada beelood, wallow horeba deegaannada labada Beelood ku dagaalameen ay Ciidamo u joogeen.
Dhanka kale, Mareegaha Internet-ka laga akhristo ee taabacsan Kooxda Khaatumo ayaa qaarkood baahiyeen Warar aan la xaqiijin karin, kuwaasi oo ay ku sheegeen in Ciidammada Qaranku ku socdaan degmada Saax-dheer.
Kayse Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Saraakiisha Khaatumo isla-markaana ka mid ahaa Xubnihii dhowrka jeer ka qayb-galay Wada-hadallada u socda Somaliland iyo Khaatumo oo la waydiiyey siduu u arko dhaqdhaqaaqyada Ciidammada Qaranka Somaliland iyo inay suurto-gal tahay inay gaadhaan Saax-dheer, ayaa ku jawaabay “Ma geynayaa (Ciidammo deegaanka Saax-dheer) markaan eego Hannaanka Wada-hadallada Nabadeed, Waayo? Hannaankayaga Wada-hadal waxa ku cad inaan Qolana samaynin wax dhaqdhaqaaq ah oo meel aanay hore u joogin tagin, markaa Ciidan hor leh oo hadda Saax-dheer la geeyo ma filayo inay dhacayso, haddaanu ahayn mid lagu qalin-daarayo Hannaanka Wada-hadallada.”