Borrusia Dortmund ayaa filaneysa iney gaarto semi finalka Champions League tan iyo 2013 markaas oo ay finalka tageen, balse darbi adag ayaa horyaala oo ah iney gudbaan As Monaco oo guul kusoo gaartay Signal Iduna Park.
Leonardo Jardim wuxuu meel cidlo ah uga soo tagay Pep Guardiola oo uu ku reebay wareega 16-ka koobka horyaalada yurub, wuxuuna doonayaa in da’yartiisa ay ugu yaraan guul ka keenaan koobka ay kooxaha waaweyn xaadir ku yahiin.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: As Monaco vs Borrusia Dortmund
Tartanka: Champions League
Garoonka: Stade Louis II
Garsoore: Damir Skomina (Slovenia)
Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Kooxda martida loo yahay waxey ganaax ku weyneysaa Fabinho oo laba hurdi heysta, sidoo kalana waxey dhaawacyo ku weyneysaa Sidibé, Boschilia iyo Carrillo.
Tiemoue Bakayoko ayey dib u heli doontaa Monaco kaas oo ganaax ku seegay lugti hore, halka Benjamin Mendy uu isna diyaar yahay.
Dhanka kale Dortmund iyana waxey dhaawac ku weyneysaa Marc Bartra, Mario Gotze, Andrea Schurrle iyo Durm.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Aubameyang ayaa shabaqa gaaray 7-jeeer, sideed kulan oo uu Champions League u matalay Borrusia Dortmund.
Ciyaariyahanka qaranka Gabon wuxuu 2009/2010 ka mid ahaa Monaco markaas oo uu laba gool u dhaliyay 19-kulan.
Shantii kooxood ee ugu dambeeyay oo 3-2 ku badiya lugta hore koobka horyaalada yurub iyagoo jooga meel ka baxsan gurigooda dhamaan waxey u gudbeen wareega xiga.
Monaco afar ka mid ah ayey badisay, shan kulan oo ay kooxaha jarmalka ah ku qaabishay gurigeeda dhamaan tartamada oo dhan, guuldarada gurigeeda kusoo gaartay waxey ka heshay Borussia M’gladbach kulan ka tirsan UEFA Cup 1996.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
As Monaco:
Subasic – Toure, Glik, Jemerson, Mendy – Moutinho, Bakayoko – Silva, Lemar – Falcao, Mbappe
Borrusia Dortmund:
Bürki – Piszczek, Papastathopoulos, Bender, Schmelzer – Weigl – Dembele, Castro, Guerreiro, Reus – Aubameyang