Kulan ay ku yeesheen magaaladda Muqdisho La taliyayaal Dhinacyada Siyaasadda iyo amniga ee dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul goboleedyadda intii u dhaxaysay 15-16 bishan April ayaa lagu falanqeeyay qaabdhismeen iyo tiradda Ciidamadda Soomaaliya.
Waxaa la soo jeediyay,islamarkaana la isla qaatay in qaabdhismeedka Ciidamada Soomaaliya ay ka koobnaan doonaan ciidamada Luga, kuwa cirka iyo Badda, waxaa kaloo lagu heshiiyay in tiradda guud ee ciidamada milaterigu ay noqdaan 18 kun oo askari, sidii kalena la dhiso Ciidamo si gaar ah u tababaran oo tiradoodu gaarayso 4000 kun oo askari.
Waajibaadka ciidamada ayaa noqon doona ilaalinta xuduudaha iyo sharafta madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Soomaaliya, waxay kaloo u xilsaaran yihiin ka hortega khatarta dibadda iyo gudaha iyo xasilinta dalka.
Intii uu socday Kulanku waxaa kaloo laga hadlay tiradda ciidamada Booliiska soomaaliyeed oo lagu jaangooyay 32 Kun askari oo ka howgali doono dhammaan mamaul goboleedyada Dalka
Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay dib ugu soo laabtay Magaaladda Galkacayo ayaa sheegay in Puntland a diyaar u tahay hirgelinta ciidan qaran oo sumad Soomaliyeed leh, isla markaansa u adeegaya ummaada soomaliyeed
‘’ Dhismaha Ciidan qaran ee Soomaliyeed waxaa hormuud ka noqon doona DFS anagana wixii nagaga aadan hawshaa ayaa nalaka rabaa inaanu fulino, hadii siday tahay loo hirgeliyo waxaanu rajaynaynaa inuu noqdo qorshe wanaagsan oo Soomaaliya dhibta ay kujirto ka saari kara’’ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Gabagabadii. 17 kii sanno ee u dambeeyay Maamuladii kumeel gaarka ahaa iyo dowladii u dambaysay ee Xasan shiikh Maxamuud ayaa ku guuldaraystay inay dhisaan ciidamo milateri ah oo qaran oo isku dhafan oo dalka oo amniga dalka oo dhan gacanta ku dhiga, iyadoo la filayo in sanadkan 2020ka ay ciidamada midowga Afrika ee Amisom ay ka baxaan goboladda Koofureed ee Soomaaliya.