Barcelona v Juventus – Bluagrana Ma Sameyn Doontaa Soo Laabasho Kale Oo Mucjiso Ah Xilli Juventus Ay Hal Lug Kula Jirto Semi-finalka

Date:

  • Kulanka: Barcelona v Juventus

  • Garoonka: Camp Nou

  • Lugtii hore: Juve 3-0 Barca

  • Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

  • Garsoore: Bjoern Kuipers (Netherlands)

Kooxda Talyaaniga ee Juventus ayaa hal lug kula jirta semi-finalka Champions League ka dib markii ay 3-0 ku soo xaaqday lugtii hore ee wareega 8da kooxda Barcelona kulankii ka dhacay Juventus Stadium.

Barcelona oo wareega 8da u soo gudubtay ka dib markii ay soo laabasho rikoor ah ka sameysay guuldaradii 4-0 ee ka soo gaartay PSG ayaa mar kale isku dayi doonta caawa inay soo laabasho kale oo lama filaan ah sameyso laakiin waxaa hortaala howl culus madaama Juve ay aad uga duwan tahay kooxda Faransiiska.

Kooxda Catalans ayaase niyada ku dhisanaya in 15 kulan oo isku xigta oo tartamada Yurub ah ay ku badiyeen garoonkooda.

Barcelona waxa ay u baahan tahay inay dhaliso seddex gool oo bilaa jawaab si ay u barbareeyaan Juve. Waana xisaab aan laga baxsan karin. Laakiin su’aasha is weydiinta leh ayaa ah Barcelona ma awoodi doontaa in soo laabasho kale oo mucjiso ah ay sameyso markii labaad waqti gaaban gudaheed, gaar ahaan iyagoo la ciyaaraya kooxda heysata horyaalka adag ee Serie A?

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Barcelona waxaa ka maqan kulanka caawa xiddigaha Rafinha iyo Aleix Vidal oo dhaawacyo jilibka iyo canqowga qaba. Sidoo kale waxaa shaki ku jiraa taam ahaanshahooda xiddigaha kala ah Arda Turan, Mascherano iyo Mathieu.

Dhanka kooxda Juventus waxaa dhaawac jilibka ah kaga maqan Pjaca, halka Paulo Dybala uu taam u yahay inuu ku soo bilowdo kulanka caawa.

Haddii Barcelona ay mar kale sameyso lama filaanka oo ay u soo gudubto semi-finalka waxaa halis ugu jira inay seegaan lugta hore xiddigaha kala ah Neymar, Pique, Rakitic iyo Suarez oo hal jaale u jira inay ganaax la kulmaan.

Dhanka kooxda Juventus oo haatan hal lug kula jirta semi-finalka waxaa hal jaale u jira inay seegaan lugta hore ee wareega afar dhamaadka xiddigaha kala ah Cuadrado, Mandzukic iyo Sami Khedira.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Barcelona: Ter Stegen; Mascherano, Piqué, Umtiti; Rakitić, Busquets, Iniesta, Sergi Roberto; Messi, Luis Suárez, Neymar.

Juventus: Buffon; Dani Alves, Bonucci, Chiellini, Alex Sandro; Pjanić, Khedira; Cuadrado, Dybala, Mandžukić; Higuaín.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...