Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu ku soo dhawaynaysa Bayern Munich ee kulanka lugta labaad ee siddeed dhamaadka Champions Leaque-ga. Bayern Munich ayaa Madrid iskeenaysa iyada oo guuldaro 2:1 ahi ay ku soo gaadhay Allianz Arena kadib markii uu Cristiano Ronaldo goolkiisii 99 aad uu ku kansalay goolkii uu Arturo Vidal uu Bayern Munich u dhaliyay basle markale xidiga ree Portugal ayaa goolkiisii 100 aad ee tartamada UEFA guul ugu soo hogaamiyay Los Blancos.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa dib ugu soo laabtay Stadio Santiago Bernabeu oo uu ku soo qaatay laba sanadood oo uu sheegay in ay ku lahaayeen xusuus lama ilaawaan ah isaga oo Los Blancos kula soo guulaystay koobkoodii 10 aad ee Champions Leaque-ga. Laakiin macalinka ree Talyaani ayaa markan Bernabeu u soo gaadhay si uu iskugu dayo in uu kooxda Zidane ka reebo Champions Leaque-ga.
XOGTA KULANKAN:
TARTANKA: Lugta Labaad Ee Siddeed Dhamaadka Champions Leaque-ga.
KULANKA: Real Madrid Vs Bayern Munich
GAROONKA: Sadio Santiago Bernabeu
WAQTIGA: 9:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika
GARSOORAHA:Viktor Kassai (Hungary)
NATIIJADII KULANKII HORE: Bayern Munich 1-2 Real Madrid
Real Madrid ayaa ah kooxda faa’iidada ugu wayn haysta ka hor kulankan maadaama oo ay Bayern Munich ku soo gaaraacday 2:1 iyada oo waliba labada gool ku soo dhalisay iyada oo marti ah.Laakiin Bayern Munich ayaa awood u leh in ay ka soo kabsan karto guuldaradii lugtii hore iyada oo waliba Ancelotti uu filayo in uu dib u helayo xidigo muhiim kooxdiisa ka ah balse maqnaa kulankii Allianz Arena.
Zinedine Zidane oo kulankii Munich ka soo adkaatay macalinkii uu Bernabeu caawiyaha ugu ahaa ayaa fahansan muhiimada uu kulanka lugta labaad kooxdiisa u leeyahay wuxuuna taageero dheeraad ah ka dalbaday jamaahiirta kooxdiisa Los Blancos oo uu ka dalbaday in ay noqdaan ciyaartoyga 12 aad.
WARARKA LABADA KOOXOOD EE KA HOR KULANKAN:
Tababare Zinedine Zidane ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Gareth Bale uu seegayo kulanka lugta labaad ee Champoions Leaque-ga balse uu fursad wayn u haysto in uu isku diyaariyo kulanka El Clasico-da. Zidane ayaa sheegay in uu haddaba go’aansaday ciyaartoyga badali doona Gareth Bale balse waxa uu ka gaabsaday in uu sii shaaciyo. Waxay badan tahay in Isco oo qaab ciyaareed layaableh soo bandhigay kulankii Sporting Gijon uu abaal marin heli doono.
Waxa kale oo Real Madrid ka maqanaan doona Pepe iyo Raphael Varane oo dhaawac qaba, laakiin Zinedine Zidane ayaa haysta koox kalsooni buuxda qabta isla markaana uu kulankii Sporting nasiyay xidigaha ugu muhimsan shaxdiisa. Cristiano Ronaldo, Karim Benzema iyo Keylor Navas oo gabi ahaanba laga tagay kulankii Sporting ayaa soo laabanaya.
Laakiin sidoo kale Toni Kroos, Luka Modric, Marcelo oo kursiga kaydka lagu nasiyay kulanki La Ligaha ee Sporting ayaa dhamaan shaxda Zidine dib loogu soo dhawayn doonaa halka sidoo kale Dani Carvajal oo ganaax ku maqnaa kulankii ugu danbeeyay ee horyaalka La Ligahu uu booskiisa dib u heli doono. James Rodriguez ama Isco ayaa la filayaa in uu booska Bale buuxin doono.
Zidane ayaa maanka ku haya in haddii ay kooxdiisu u soo baxda afar dhamaadka Champions Leaque-ga ay u baahan doonaan adeega Sergio Ramos, Toni Kroos iyo Luka Modric oo dhamaantood halis wayn ugu jira in ay qaataan min hal kaadh oo digniin ah si ay u seegaan kulanka lugta hore ee afar dhamaadka UCL waa haddii ay Los Blancos soo baxdo.
Dhinaca Bayern Munich waxaa kulankan ganaax ku seegaya Javi Martinez oo kaadhka cas loo taagay kulankii Allainz Arena isaga oo waliba sabab u ahaa in Bayern Munich uu ka lumay dheeli tirnaantii ay Real Madrid ciyaarta kula qaybsanaysay. Martinez ayaa kaadhka cas qaatay iyada oo ciyaartu barbaro 1:1 ah maraysay wuxuuna seegayaa kulanka Bernabeu.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa si rasmi ah u xaqiiyay in Robert Lewandowski uu taam buuxa yahay isla markaana uu kooxdiisa siinayo kalsooni buuxda. Lewy oo xili ciyaareedkan Bayern Munich u soo dhaliyay 38 gool ayaa dhaawac garabka ah oo kulankii Dortmund ku soo gaadhay kaga maqanaa kulankii Munich basle markan waxa uu diyaar u yahay in uu wajaho Madrid oo uu hal kulan afar gool kaga soo dhaliyay waqtigiisii Borussia Dortmund.
Sidoo kale Boateng iyo Mats Hummles ayaa dib ugu soo laabtay tababarka Bayern Munich wuxuuna Ancelotti sheegay in uu rajo wayn ka qabo in ay ciyaaraan kulanka Bernabeu balse waxay Bayern Munich samayn doontaa qiimayn xili danbe ah haddii ay labadan difaac diyaar u yihiin kulankan aadka u adag. Vidal iyo Boateng ayaa min hal kaadh oo digniin ah u jira in la ganaaxo.
XAQIIQOOYIN AAD UGA BAAHAN TAHAY IN AAD KULANKAN KA OGAATO:
Dhamaan shantii koxoood ee ugu danbeeyay ee min 2:1 ku soo guulaystay kulankii lugta kowaad ee wareegyada finalada Champions Leaque-ga ayaa u soo baxay wareega xiga, waana fursad ay Real Madrid dheertahay Bayern Munich.
Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa markii 24 aad ku kulmaya tartamada kooxaha Yurub, waana kulankii 18 aad ee tan iyo markii magaca Champions Leaque-ga la bixiyay. Ma jiraan laba koxoood oo kale oo 18 kulan oo Champions Leaque-ga ah iskaga hor yimid tan iyo markii tartanka kooxaha Yurub loo bixiyay Champions Leaque-ga.
Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa ah laba kooxood oo isku rekoodh ka ah tartanka kooxaha Yurub ee kulamadii ay iskaga horyimaadeen waxayna mid kastaaba wareegyada finalada ka soo gudubtay min shan kulan ee kulamadii ay soo wada ciyaareen.
Laakiin Bayern Munich ayaa rekoodh liita ku leh Santiago Bernabeu iyada oo soo guuldaraysatay 8 kulan oo ka mid ah 10 kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay Madrid booqatay ee tartamada oo dhan waxayna soo heshay kaliya laba guulood oo ay waliba ku jiraan shantii kulan ee ugu danbeeyay. Markii ugu danbaysay ee ay Bayern Munich garoonka Bernabeu guul ku soo gaadhay ayaa ahayd May 2001 kii markaas oo Giovane Elber uu 1:0 guul ah ugu soo hogaamiyay.
Bayern Munich ayaa afar siddeed dhamaadka Champions Leaque-ga soo gaadhay lixdii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay, iyaga oo waliba shantii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay soo gaadhayay afar dhamaadka Champions Leaque-ga.
Real Madrid ayaa afar dhamaadka Champions Leaque-ga soo gaadhay lixdii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay, laakiin haddii ay markii todobaad oo xidhiidh ah ay soo gaadho afar dhamaadka Champions leaque-ga waxa uu noqon doonaa rekoodh iyada khaas u ah.
Tan iyo xili ciyaareedkii 2010/11 kii, Real Madrid waxay soo guulaysatay 34 kulan oo ka mid ah 40 kulan oo Champions Leaque-ga ah oo ay ku soo ciyaartay Santiago Bernabeu waxayna afar kulan soo gashay barbaro halka labada kulan ee kale ay guuldaro la kulantay. Barcelona ayaa 2:0 Real Madrid ku soo garaacday April 2011 halka Schalke ay 4:3 Madrid ku soo dubatay March 2015 kii.
Real Madrid ayaan ku soo guuldaraysan in ay goolal garoonkeeda ku dhaliso 34 kii kulan ee ugu danbeeyay Champions Leaque-ga waana rekoodhkii ugu dheeraa ee ay koox Yurub ahi ka haysato tartanka Champions Leaque-ga. Barcelona ayaa ahayd kooxdii ugu danbaysay ee Bernabeu kala baxday shabaq nadiif ah kulankii April 2011 ee ay Catalonia 2:0 ku garaacday Madrid.
SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:
REAL MADRID: Navas; Carvajal, Ramos, Nacho, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modrić; Isco, Benzema, Ronaldo.
BAYERN MUNICH: Neuer; Lahm, Alonso, Alaba, Bernat; Vidal, Thiago; Robben, Ribéry; Lewandowski, Müller.
Haddaba akhriste ma filaysaa in Bayern Munich ay ka soo kabsan karto guuldaradii 2:1 ahayd ee ay Allianz Arena ku soo gaadhay? Real Madrid markale ma awoodi doontaa in ay Bayern Munich guuldaro kale ku bado Bernabeu? Fikirkaga waxaad nagula wadaagi kartaa qaybta fariimaha Facebook ee hoose, sidoo kale la shar-garee asxaabta kale.