Pogba vs Kante, Zlatan vs Luiz & Afar Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Man United Iyo Chelsea Kulanka Old Trafford.

Date:

Manchester United ayaa markii ugu horeysay gurigeeda kusoo dhaweyneysa dhigeeda Chelsea tan iyo markii ay magacowday Jose Mourinho, laba jeer ayey xili ciyaareedkaan durba is arkeen, balse labaduba waxey ka dhaceen Stamford Bridge.

Blues ayaa labada kulan badisay (4-0 & 1-0) iyadoo Red Devils laga ciribtiray koobka qadiimiga ah ee FA Cup-ka, kulanka maanta ayaana sidoo kale muhiimad gooni ah leh.

Man United waxey isha ku heysaa iney kasoo kacdo booska 6-aad oo ay shalayto u dhaadhacday kadib guushii ay Everton ka gaartay Burnley, sidoo kalana waxey dooneysaa iney nooleyso rajada ay ka qabto afarta sare.

Chelsea qudheeda waxey hamineysaa iney mar kale talaabo u qaado hanashada horyaalka Premier League xili ciyaareedkaan inkasto ay hadda 4-dhibcood oo qura ka sareyso Tottenham Hotspur.

Afar Meelood ayaa lasoo calaameynayaa oo ay ku kala badin karaan labada kooxood ee Manchester United iyo Chelsea.

PAUL POGBA vs N’GOLO KANTE:

Waa hubaal inuu dagaal dhexmari doono labada xidig ee reer France sidii la arkay labadii kulan ee hore, N’Golo ayaana labadii isku dhac ee hore guuleystay kaas oo laba gool ka dhaliyay United, laba guuldarana u xambaariyay.

Kulanka maanta hadii Kante uu ku guuleysto inuu markii sadexaad celiyo Pogba, wuxuu ka saacidi karaa kooxdiisa iney guul hesho.

Paul Pogba ayaa u baahan inuu ka hoos baxo Kante, hadii uu si adag uga guuleysto Kante wuxuu fursad fiican siin karaa kooxdiisa.

IBRAHIMOVIC vs DAVID LUIZ

Zlatan Ibrahimovic ayaa markii ugu horeysay ka hor imaan kara Chelsea madama uusan kasoo muuqan kulankii ugu dambeeyay, sida la qabo wuxuu dagaal adag la gali doonaa David Luiz oo ah midka ugu ad-adag ee daafaca dhexe u jooga Blues.

Zlatan wuxuu kasoo muuqday kulankii ay Blues 4-0 ku garaacday United markaas oo ay u aheyd waji gabax, balse caawa loolanka uu la gali doono Luiz ayaa faa’iido iyo faa’iido daro u noqon kara kooxdiisa.

HAZARD  vs DAAFACA UNITED:

Eden Hazard wuxuu ciyaaraa doorka xorta ah haatan, wuxuuna ku raaxeysanayaa xilli ciyaareed aad u qurux badan, sidaas oo ay tahay daafac walba oo United ah ayuu wajahi karaa madama uu door xor ah heysto.

Inuu wajaho Valencia oo dhanka bidix uu ka weerar tago inuu wajaho Darmian ama Shaw oo uu ka weerar tago dhanka midig iyo sidoo kale inuu wajaho daafaca dhexe.

Si wadar ah wuxuu dagaal la gali doonaa daafaca Manchester United, Hazard hadii uu ku guuleysto inuu kala dhantaalo, Blues waxey heli karaan fure ay ku guuleystaan, balse United daafaceeda hadii ay ku guuleystaan iney celiyaan – waa door u muhiim ah oo ay haliso badan kaga badbaadi karaan.

JOSE MOURINHO vs ANTONIO CONTE

Doorashada labada macalin waxey wax weyn ka sameyn kartaa ciyaarta, Jose Iyo Antonio waxqabad muuqda ayey ku yeelan karaan ciyaarta.

Macalinka doorta shaxda ugu fiican, kan sameeya badalada loo baahan yahay iyo sida ay ciyaarta u maareeyaan wuxuu inta badan mid walba ku saacidi karaa kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...