Atletico Madrid ayaa kululeyn karta loolanka horyaalka La Liga waase hadii ay guul ka hesho Real Madrid kulanka ay galabta ku booqaneyso garoonka Santiago Bernabeu, guul ay gaarto ayaana raja weyn siin kara Barcelona oo hogaanka si kumeel gaar ah ula wareegi doonta hadii ay caawa guul ka hesho Malaga.
kulankaan labada kooxood lugtii hore ee ka dhacday garoonka Vincent Calderon waxaa soo awood roonaaday Real oo ku tumatay dhigeeda Atletico iyadoo Ronaldo uu dhaliyay sadexleydiisii 39-aad.
Zidane iyo wiilashiisa waxxey u baahan yahiin guul si ay ugu yaraan isaga qaadaan cadaadiska iyo saameynta uu kulanka El-Clasico ku yeelan karo hamigooda La Liga.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Real Madrid vs Atletico Madrid
Tartanka: Spain La Liga
Garoonka: Santiago Bernabeu, Madrid, Spain
Garsoore: Ricardo De Burgos Bengoetxea
Saacadda: 5:15 Galabnimo (XGA)
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Inkastoo Ansensio, Vazquez, Morata iyo Kovacic ay soo bandhigeen qaab ciyaareed ilqabad leh kulankii ay garaaceen Leganes, hadana Zidane ayaa rogi doona shaxdiisa wuxuuna soo celin doonaa BBC. Varane kaliya ayaana ka maqan kooxda cad-cadka.
Dhanka kale Diego Simeone ayaan in badan ka walwalsaneen kooxdiisa, Kevin Gameiro ayaa shaki la galinayaa taasoo suuragalin karta in Fernando Torres uu kusoo bilowdo kulanka galabta, sidoo kalana waxaa kooxda dhaawacyo kaga maqnaa doona Augusto Fernandez, Tiago iyo Sime Vrsaljko.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kulankii dhacay November sanadkii hor ee dhexmaray labadaan kooxood Real Madrid ayaa 3-0 ku adkaatay iyadoo Ronaldo uu sadexley ku dhaliyay Calderon.
Sadexleydaas waxey aheyd middii ugu horeysay oo uu ka dhaliyo kulanka Madrid Derby tan iyo April 2012 markaas oo uu sadexley Calderon kaga dhaliyay Atletico kulan 4-1 kuso dhamaaday.
Cristaino Ronaldo oo 32-jir ah, 18-gool ayuu dhamaan tartamada oo dhan ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid.
Guud ahaan labadaan kooxood waxey kulmeen 214-kulan, 109-kulan waxaa guul helay Los Blancos, halka Atletico ay guul heshay 54-jeer iyadoo 41-jeerna ay barbaro galeen