Somaliland: Ergeyga Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo Ka Jawaabay Su’aalo Laga Waydiiyey Qaddiyadda Somaliland

Date:

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo Maalmihii u dambeeyay Booqasho ku joogay Somaliland, ayaa wax laga waydiiyey sababta Qaramada Midoobay ay Xafiis la mid ah kooda Muqdisho uga furan wayday Magaalada Hargeysa iyo sababaha War-bixinnada Xafiiskooda Muqdisho diyaariyo uu mar walba Somaliland ugu sheego Qayb ka mid ah Soomaaliya.

Ergayga oo Wareysi siiyey Telefiishanka HCTV, ayaa ugu horeyn ka jawaabay Su’aal u dhignayd “Miyaanay Somaliland mudneyn in Qaramada Midoobay Xafiis ka furato”?, waxaanu yidhi “Way mudan tahay (In Somaliland laga furo Xafiis Qaramada Midoobay ah), maxaadse u tidhi miyaanay Mudnayn..?” ayuu Mr. Keating dib u waydiiyey Weriyaha Wareysiga ka qaaday, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka jawaabaya su’aal kale oo Weriyuhu waydiiyey oo nuxurkeedu ahaa inay yar yihiin Safarrada uu Somaliland ku yimaaddaa, “Wax badan ayaa ka socda Muqdisho, waan ka xumahay in badan halkan ma imaaddo, laakiin halkan waxa noo jooga koox weyn, waxaana yimaadda asxaab aanu wada shaqeynno, xattaa ku xigeennaydu in badan bay halkan yimaaddaan, xaqiiqdii in badan baanu ku lug-leenahay Arrimaha Somaliland.”

Ergayga Qaramada Midoobay oo la waydiiyey sababta ay Dib ugu furi waayeen Xafiiskii UNSOM ku lahayd Hargeysa oo Weriyuhu sheegay in Dawladda Somaliland Xidhay Sannadkii 2013-kii, ayaa ku jawaabay “Ma ogeyn in Xafiiskayga Hargeysa uu xidhan yahay, Waayo? waxa noo jooga Shaqaale reer Somaliland ah, sidoo kale waxa noo jooga Sarkaal dhinaca Hawlaha Bani-aadamnimada ah, waxaan u malleynayaa Dawladda Somaliland kuma Qanacsanaa in Xafiiska UNSOM ay dhex Oroddo Siyaasadda Somaliland, laakiin Waxyaabaha ay UNSOM samaynayso waa taageeridda bahda Qaramada Midoobay ee Ballaadhan. Waxa Somaliland jooga illaa 20 Hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo hawlo faro-badan ka haya Somaliland marxalad kasta.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya Su’aal laga waydiiyey Sababta War-bixinnada uu Xafiiskiisa UNSOM u diro Qaramada Midoobay uu mar walba Somaliland ugu sheego qayb ka mid ah Soomaaliya, “Qaramada Midoobay waa Hay’ad ay Xubno ka yihiin Dawlado badan, anigoo Wakiil ka ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ma ihi kan Go’aaminaya Sharciyadda Somaliland, Dawladaha Xubnaha ka ah Qaramada Midoobayna ma aqoonsana Somaliland inay tahay Dal Madax-banaan, waxaana loo aqoonsan yahay inay tahay Qayb ka mid ah Soomaaliya, taasina way ku adkaynaysaa Somaliland, Aniguba marmarka qaar ee imanayo Somaliland taasi waan dareemaa, tanina maaha Go’aankayga iyo doorashadeyda, halkaas ayaan kaga baxayaa Cawaaqibka Xaqiiqadaasi. Laakiin Xeerka Caalamiga ahi wuxuu qeexayaa in Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay weli Somaliland u arkaan qayb ka mid ah Soomaaliya.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...