Passport-Ka Dalka Suuriya Oo Noqday Ka Ugu Qaallisan Adduunka

Date:

Golaha Shacabka ee Dalka Suuriya ayaa uu muddooyinkan danbe ku dedaalayay sidii uu u meel marin lahaa go’aan ay ku rabeen inay kusoo celiyaan Haybadii iyo Karraamadii uu lahaa Passport-ka Dalkoodu, kadib markii Dagaalada aadka u darran ee ka socda Dalkaasi ay sababeen in Qaxoonti aad u tiro badan ay barakaceen, taasina keentay inay u qaxaan Dalal ay Dadka Suuriyaanka ahi ku gali jireen bilaa Fiise, islamarkaana lagu soo rogay inay qaataan Fiisaha Dal ku galka, sidoo kalena lagu adkeeyay sidii ay ku heli lahaayeen Fiisahaasi.

Golaha shacabka ee Dalkaasi waxa uu soo rogay in Dadka ku dhaqan Dalka Debadiisa ee raba inay qaataan amase cusboonaysiistaan Passport-koodu laga qaadi doono qiimo dhan $800, waxaana lagu cadeeyay qiimayn ay samaysay barta Internet-ka ee World Atlas, sidaa awgeed go’aankan ayaa ka dhigay Passport-ka Dalka Suuriya ka ugu qaallisan adduunka marka loo eego Qiimaha ay muwaadiniinta guud ahaan dunida ku nooli kula soo baxaan Passport-kooda, xilli la xaqiijiyey dhinaca qadarinta iyo maamuuska uu haatan leeyahay passport-ka Dalkaasi Suuriya uu liito oo uu ku jiro kaalinta 101 taasi oo macnaheedu yahay in aad uga hooseeya halkii hore ee uu taagnaan jiray sababtuna ay tahay Dagaalada ka socda Dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...