Real Madrid ayaa caawa booqaneysa Leganes wuxuuna kulankooda dhacayaa iyadoo og natiijada ay ku kala baxeen Barcelona iyo Sevilla waxeyna ku xisaabtami doonan hadba natiijada kasoo baxda inkastoo mar walba ay guul u baahan yahiin si ay talaabo ugu qaadaan La Liga.
Zidane iyo wiilashiisa waxey raadinayaan iney rikoorka gooldhalinta sii dheereystaan oo ay kulankoodii 51-aad gool dhaliyaan waxeyna kusii soconayaan rikoorka kooxda ugu fiican Spain ee sidaas sameysay dhamaan tartamada oo dhan.
Cristiano Ronaldo ayaa la sugayaa inuu dib ugu soo laabto hanaankiisa gooldhalinta inkastoo uusan wax gool ah ku yeelan 3-dii gool ee lagu garaacay Alaves.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Leganes vs Real Madrid
Tartanka: Spanish La Liga
Garoonka: Estadio Municipal de Butarque.
Saacadda: 10:30 Habeenimo (XGA)
Garsoore: Alfonso Alvarez (Spain)
MAXAA KA CUSUB KULANKA?
Erik Moran ayaa ganaax kaga maqnaan doona Leganes waxaana doorka dhexe gali doona Alberto iyo Unai Lopez midkood. Leganes ayaa laga yaabaa iney adeegsato shan difaac waxaana macquul ah in afarta daafac ee safka hore lagu siyaadiyo Unai Bustinza.
Real Madrid waxaa dhaawac kaga maqan Raphael Varane, sidoo kalana waxaa macquul ah inuu tababare Zidane badalo shaxdii uu ku garaacay Alaves iyadoo James iyo Morata ay filanayaan in lagu soo bilaabo.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Real Madrid ayaa shabaqa soo taabtay 50-kulan oo kala duwan dhamaan tartamada oo dhan waana rikoorkii ugu fiicnaa oo ay sameyso koox Spain ah.
Intaas waxaa sii dheer, Real Madrid waxey gool dhalineysay 40-kii kulan ee ugu dambeeyay La Liga, kaliya Barcelona ayaa sameysay in ka badan marka laga hadlo La Liga taasoo 2013 dhalisay 64-kulan goolal.
Gareth Bale ayaa dhaliyay laba gool kaliya xili ciyaareedkaan dhamaan tartamada oo dhan, mid ka mid ah goolashiisa wuxuu ka dhaliyay Leganes kulankii dhacay November.
Ma jiro ku sugan La Liga oo ka caawin badan Dani Caravajal dhamaan tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan, 8-gool ayuu caawiyay waxaana la siman Marcelo.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
LEGANES:
Herrerin, Tito, Mantovani, Slovas, Rico, Moran, Perez, Garcia, Gabriel, Szymanowski, Guerrero
REAL MADRID:
Navas, Carvajal, Ramos, Fernandez, Marcelo, Casemiro, Kroos, Modric, Bale, Ronaldo, Benzema